Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

GAROOWE: FA’IDOOYINKA WAX SOO SAARKA XOOLAHA

admin by admin
October 31, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
GAROOWE: FA’IDOOYINKA WAX SOO SAARKA XOOLAHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Nolosha bulshada Soomaalida ayaa waxay ku tirsan tahay xoolaha ay dhaqdaan reer miyigu, xooluhu waxay door sare ka yihiin samaynta dhaqaalaha iyo dhaqdhaaqa lacagta ee maalin walba, waana xadaaradda ganacsiga ee dhex marta reer miyiga iyo reer magaalka, sidoo kale ganacsatada reer magaalka iyo kuwa  dibedda.

Nuur Maxamed Faarax wuxuu leeyahay xoolo isugu jira geela iyo ari uu ku dhaqado degmada Suni-jiif oo uu beer ku leeyahay, aniga oo aan xoolahayga iibin ayaan ku maareeyaa adeegyada guriga looga baahan yahay sida raashinka, waxbarashada carruurta midda dugsiyada qur’aanka iyo waxbarashada nidaamiga ah ee iskuulaadka.

“Caanaha geela laga liso ayaan qaar u iib geeyaa magaalada si aan lacag uga helo aan ku dabaro noolasha reerka, qaarna carruurta ayaa cabta lama soo koobi karo faa’idada caanaha geela waxay galaan dhigaal waxaa lagu daweeyaa cudurada qaar.” ayuu yiri Nuur.

Hooyooyinka reer miyiga ayaa macno walba u sameeya wax soo saarka xoolahooda, Nadiifo cabdullaahi Xaaji Maxamed nolosheeda inta badan ayey ku qaadatay miyiga, haatan oo ay magaalada Garoowe joogto waxay maalin walba iibisaa in ku dhow 50 litir oo caano ah oo qaarkood laga soo lisay xoolaheeda.

“Caanuhu waxay leeyihiin fursado dhaqaale badan looga samayn karo, dadka reer miyiga ah caanaha ariga dhiishay ku garooriyaan markay ariga ka soo lisaan kadib haanta wayn bay ku shubaan oo way lulaan ciir ayay noqdaan burcad ayaa marka meeshaa kasoo baxay. Burcadka ayaa la shiilaa caanooyo iyo miid bay u kala saaraan, marka miidda waa la kaydiyaa oo subag ayey noqotaa waana la iib gayaa ama cuntada ayaa lagu darsadaa caanooyadana carruurta ayaa cabta.” Ayey tiri Nadiifo.

Nadiifo ayaa sheegtay in caanaha geela ay ka faa’ido badan yihiin kuwa warshaduhu sameeyaan oo ilamaha marka lagu habo caano geel wuxu ka jir iyo korriin fiican yahay ilamaha kale, qofka xanuunasan ayaa la siiyaa oo jirka ayey qaboojiyaan.

Qiimaha caanaha wuu is bed beddelaa balse faa’iidada ay reer miyigu ku qabaan marnaba isma bedelo, barwaaqada waxay keenaan caano badan oo ay ku iibsadan qiimo jaban jiilaalkana waxay keenaan caano yar oo ay ku iibsadaan qiimo adag. Garoowe oo kale. Marka caanuhu yaraadaan xilliyada jiilaalka ah qiimahoodu wuxuu gaadhaa ilaa 40.000 oo shilin oo u dhiganta 2 dollar, xiliyada barwaaqadase litirku wuxuu ka yar yahay 1 dollar.

Nuur Faarax oo ah 60 jir  ayaa sharaxaya waxyaabaha ay ku fiicanyihiion caanaha geela,”  waa iidaanka raashinka, waa cabitaanka ugu macquulsan, waa baxnaanada dadka xanuunsan ee guryaha jiifa, Waa dawadda dadka jaban ama kuwa kale ee nafaqada u baahan, marka lama soo koobi karo faa’idooyinka laga helo caanaha. Ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FO

Previous Post

Wareysiga Basiiro Cabdi Maxamed oo ah gabar indhoole ah oo u ololaysa dadka naafada ah

Next Post

Baydhabo: barakacayaal agab loo qaybiyey

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Baydhabo: barakacayaal agab loo qaybiyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 02-OCT-2026

IDAACADDA 02-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 02-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-OCT-2026
October 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-SEP-2026
September 30, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-SEP-2026
September 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-SEP-2026
September 28, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo