Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Waxbarashada

Tirada gabdhaha ka hara tacliinta oo sii badanaysa

Radio Ergo by Radio Ergo
September 22, 2014
in Waxbarashada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawir/Cabdikariim/Ergo

Bahda waxbarashada ee magaalada Buuhoodle iyo deegaannada hoos yimaada ayaa sheegaya in tirada gabdhaha ka tagaya waxbarashada ay sii kordhayso dhawrkii sano ee la soo dhaafay.

Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax oo ah maamulaha iskuulka hoose/dhexe iyo Sare ee Hawd ayaa Ergo u sheegay in sanadkii 2012 gabdhaha dugsiga Hoose/Dhexe dhigtaa ay ahaayeen 119 sanadkaanna ay yihiin 69 keliya, waxaana bil kasta iskuulka ka taga 3 gabdhood oo siyaabo kala duwan uga hara waxbarashada,wuxuuna sabab uga dhigay arrintaan saboolnimada iyo waaliddiinta oo hablaha u dira shaqooyinka guriga iyo xoolaha.

Sidoo kale waxaa jira gabdho dhaqso u guursada oo iyaguna sidaas uga hara tacliinta maamulaha ayaa sheegay in dugsiga sare waqtigaan ay fadhiyaan oo keliya 12 gabdhood.

Xaliimo Maxamed Jaamac oo ah hooyo dhashay 11 carruur ah oo shan gabdho yihiin ayaa Ergo u sheegay inay hal gabadh ahi ka aado iskuul gabdhaha kalena ay, saddex suuqa ayay khudaar igala iibiyaan, gabadha ugu yarna waxay raacdaa xoogaa adhi ah oo guriga ii jooga.

Cibaado Cali maxamed oo ah iyana hooya dhashay lix carruur ah oo laba gabadho yihiin ayaa Ergo u sheegtay inaysan aadin gabdhaheedu wax barasho mid kamid ahina ay ka saartay laba sano ka hor wax barashadda, ninka dhalay carruurta waa waayeel ma shaqeeyo waxaan ku tiirsanahay 150 dollar oo qaraabo qurbaha nooga soo dirto,Iskuuladda hoose ayaa bishii laga qaadaa 7 dollar halka kuwa sarrena laga qaado 11 dollar bishii

Mukhtaar Axmed Xaaji faarax  ayaa yidhi “Waa in bulshadu u kacdaa sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan hablaha ku sii yaraanaya waxbarashada, waana mid keeni doonta muddooyinka soo socda in lawaayo hablo dhigta iskuullada, taasina aqoontii bulshada ayey hoos u dhac ku tahay”.

Bahada waxbarashada ayaa si wada jir ah u codsanaya in la iska kaashado sidii arrinta wax looga qaban lahaa oo gabdhaha lagu eego il gaar ah laguna dhiirri galiyo in ay dhammaystaan tacliinta, lana sameeyo barnaamij ah in iskuullada ay ku dhigtaan si bilaasha ah si loo joojiyo in habluhu ay ka haraan waxbarashada.

Cabdikariin Cabdullaahi/FO

Previous Post

TIRADA GABDHAHA KA HARA TACLIINTA OO SII BADANAYSA

Next Post

Wareysi: Cumar Daahir Cismaan oo ka mid ah dadka tuulada Malkaariyey

Related Posts

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

November 19, 2025
Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado
Wararkii u Danbeeyay

Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta reer-guuraaga ku nool Cadaado

October 17, 2025
Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada
Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Gabdho adeegtooyin noqday markii ay dhaqaale xumo ka reebtay waxbarashada

September 12, 2025
Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Da’yar barakac ku ah Muqdisho oo shaqo la’aan ay seejisay waxbarashada

September 10, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Dhaqaale la’aan waxbarashada ka reebtay boqollaal arday

August 25, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Wareysi: Cumar Daahir Cismaan oo ka mid ah dadka tuulada Malkaariyey

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-JAN-2026

IDAACADDA 20-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JAN-2026
January 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JAN-2026
January 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo