Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wareysi: Cumar Daahir Cismaan oo ka mid ah dadka tuulada Malkaariyey

admin by admin
September 23, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Sawir/kaydka/Ergo

Cumar Daahir Cismaan oo ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool tuulada Malkaariyey, oo 7km u jirta degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa lasoo xiriiray raadiyaha Ergo, wuxuuna uga warramay xaaladda tuulada. Fowsiya Cumar Barre oo ka tirsan Ergo ayaa ugu horreyn Cumar weydiisay tirada dadka ku nool tuuladaas.

Cumar: Malkaariyey waxaa ku nool 315 qoys.

Ergo: Dadka ku nool tuuladaas maxay yihiin?

Cumar: Waxay isugu jiraan beeralley iyo xoolo-dhaqato, dadkii xoolaha lahaa way ka baaba`een xoolihii, webiga ayaa u dhow oo ay biyo ka cabaan maahee oo ay isaga nool yihiin, wax hay`ad ah oo gargaarta malaha. Beeralleydana xaalkoodu waa khatar, waxaa lagu jiraa xilligii abuurka, mana haystaan mirihii abuurka beeraha, beerihii cayayaan baa looga cararay oo in tacabkii la iska daayo ayaa lagu dhow yahay.

Ergo:  Dhibaatada ugu daran ee haysata dadka ay xooluhu ka dhammaadeen wax inooga sheeg.

Cumar: Dadkaas waxaa haysta macluul, way kasoo guureen deegaannada miyiga ah oo halkan bay yimaadeen, si hay`adaha wax bixinaya ay wax uga helaan, mana jirto hay`ad wax bixisa hadda. Waxaan maqalnaa in deegaanno gobolka ka tirsan gargaar laga bixiyay laakiin nama soo gaarin annaga.

Ergo:  Dadka Malkaariyey ee aad ku sheegtay 315ka qof, ma waxaa ku jira dadka hadda kusoo qaxay ee baaddiyaha kasoo guuray?

Cumar: Maya waa dadkii hore u degganaa, kuwa hadda soo qaxay waa 80-90 qoys.

Ergo: Dadkaa xooluhu ka dhammaadeen ee tuulada yimid, maxay hadda qabtaan?

Cumar: Dadkan way iska fadhiyaan, waxba ma karsadaan, waxna ma wataan, dhulka ayay iska daadsan yihiin, mararka qaar Beledxaawo ayay u aadaan shaqooyin yaryar sida dhismaha guryaha, qaarkood dadka beeralleyda ah ayaa caawiya.

Ergo: Dhanka caafimaadka ka warran?

Cumar: Malaariyo iyo shuban way iska jiraan oo carruurta haya, biyaha wabiga oo aan nadiif ahayn ayaan cabnaa.

Ergo: Qoysaska kasoo barakacay miyiga, goormey soo gaareen?

Cumar: Bishan aan ku jirno ayay yimaadeen.

Ergo: Maxaa hadda ugu daran oo laga gargaaraa qoysaskaas?

Cumar: Cunno, cunnadaa ugu daran.

Ergo: Aan usoo noqdo dadkiinna beerralleyda ah ee deggan Malkaariyey, ka warrama xaalkiinna?

Cumar: Beeralleydu dalag wanaagsan baa usoo go`ay, laakiin qudaartii baa waxaa looga caal waayay cayayaan, yaanyada oo kale sida loo abuuro waxba kama soo baxaan.

Ergo: Ma mid hadda ku bilaabatay baa, mise weligeed bay cayayaanku dhib idinku hayeen?

Cumar: Muddo 3 sano laga joogo bay bilaabatay, in badan baan kala hadalnay khubarrada beeraha, laakiin waxba kama qabtaan. Hadda waxaan u baahannahay abuurka miraha, maaddaama lagu jiro xilliga abuurka.

Ergo: Adigu ma waxaad tahay beeralley, mise xoolo-dhaqatana waad tahay?

Cumar: Aniga labadaba waan ahay, beerta wixii kasoo go`a waxaan siiyaa xoolahayga, xooluhu meel kaloo ay daaqaan malaha oo dhulku waa abaar.

Previous Post

Tirada gabdhaha ka hara tacliinta oo sii badanaysa

Next Post

AGRO-PASTORALISTS IN DIRE NEED IN GEDO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo il-dhaqaale u noqday qoysas barakac ah

July 17, 2026
Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
Next Post
Wareysi: Cumar Daahir Cismaan oo ka mid ah dadka tuulada Malkaariyey

AGRO-PASTORALISTS IN DIRE NEED IN GEDO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 18-JUL-2026

IDAACADDA 18-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 18-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-JUL-2026
July 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JUL-2026
July 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-JUL2026
July 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-JUL-2026
July 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUL-2026
July 14, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo