
Dad Soomaali oo tiradoodu ay gaarayso 22 ruux oo ku xiran xabsi ku yaalla caasimadda dalka Angola ee Luanda ayaa ka cabanaya dhibaatooyin nolol xumo oo ay sheegeen inay ku haystaan xabsiga gudihiisa.
Anigu waxaan ka mid ahay 22 qof oo Soomaali ah mid ka mdi ah ay tahay haweeney qaarkeen waxay xiran yihiin 6 bilood qaar 4 bilood qaar kale 2 bilood, waxaa xabsiga dhexdiisa nagu haysta cunno xumo, biyo la’aan caafimaad darro oo dadka qaarkii xanuunnada neefta ayaa ku dhacaya oo ay la jiifaan malahan adeeg caafimaad sidaa waxaa Ergo ugu warramay Axmed Sheekh Nuur Maxamed oo ku jira xabsi ku yaal caasimadda dalka Angola.
Wuxuu intaa raaciyey in dadka xiran badankooda laga soo qabtay goobo ganacsi oo ay ku lahaayeen gobollo kala duwan oo ka tirsan dalkaas,waxayna haystaan sharciyada qaxootiga ee hay’adda UNHCR oo laga bixiyo waddanka, wuxuuna sheegay in wali wax maxkamad ah aan la soo taagin muddada ay xabsiga ku jiraan, Axmed ayaa sidoo kale sheegay in qolka ay ku xiran yihiin maxaabiis ka badan 100, taasoo keentay in ciriiriga iyo kulaylka ka jira xabsiga ay dadka qaarkii ku dhaco neef.
Jaaliyadda Soomaalida, hay’dda UNHCR iyo laanta socdaalka ee dalka Angola ayaa waxaa u socda waan waan la doonayo in lagu soo daayo Soomaali fara badan oo ku jira xabsiyo ku yaalla dalka Angola, waxaa jira maxaabiis Soomaali ah oo maxkamaduhu ay sii daayeen balse u xiran ciidanka amniga, inkastoo aan rajo ka qabno in xorriyaddooda ay helaan 22 ruux ee ku jira xabsiga ku yaalla caasimadda sidaa waxaa Ergo u sheegay Axmed Dhagacadde oo ka tirsan jaaliyadda Soomaalida.
Faarax Dibbad/FO










