Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALLEYDA JOWHAR OO U DIYAAR GAROOBAYA XILLIGA DEYRTA

admin by admin
September 24, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
BEERALLEYDA JOWHAR OO U DIYAAR GAROOBAYA XILLIGA DEYRTA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Qaar ka mid ah beeralleyda magaalada Jowhar ee beerahooda ku waraabta kanaalka Moyko ayaa haatan bilaabay hagaajinta kanalladooda iyo u diyaargarowga xilliga dayrta.

Cabdulqaadir Saalax oo ah guddoomiyaha kanaalka Moyko ayaa Ergo u sharraxay sida howsha kanaalka ay u socoto, “Kiliga hadda kahor ayuu naga duugmay oo daadadkii ayaa saameyn ku yeeshay, wax naga caawiya ma arkin, beeralleyda ayaa iska kaashatay oo hadda qodeysa, ciidda ka saareysa si loogu waraabiyo beeraha xilliga dayrta aan u diyaar garoobeyno”

Kanaalka Moyko oo ay wadaagaan ilaa 500 beeralley ah ayaa wuxuu waraabinayaa 98 hiktar oo dhul beero ah, waxaana dayactirka kanaalka wada beeralley haween iyo rag isugu jira oo iskaashaday.

Madiino Aadan Cabdullaahi oo ka mid ah beeralleydaas qodidda kanaalka waday ayaa sheegtay inay u diyaar garoobeyso nadiifinta qaybta kanaalka kaga aaddan, si ay ugu waraabsato beerteeda oo ah meesha keliya ee dakhliga uu kasoo galo.

“Dayrta ayaan u diyaar garoobeynaa, xooggeenna ayaan ku hagaajineynaa qaybta nooga aaddan kannaalka, carruurta ayaan ku korsadaa beerta.” Ayay tiri Madiino.

Bishan dhexdeeda ayaa fatahaad uu webigu ka gaystay tuulada Jameeco ee magaalada Jowhar waxaa ku baaba`ay dhulbeereed gaaraya ilaa 25hiktar oo ay ku beernaayeen digir iyo galley.

Jaamac Xaddi oo ka mid ah beeralleyda tuulada Jameeco ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in 25hiktar oo dhul beereed ay ku beernaayeen digir iyo galley ay cagta mariyeen biyaha webiga kasoo fatahay.

“Haddaan nahay beeralleyda Jameeco, khasaaro weyn ayaa naga soo gaartay oo dalagyadii inoo beernaa waxba nooma harin, waa arrin aan ka naxnay.” Ayuu yiri Jaamac.

Beeralleyda Jowhar oo ku tiirsan biyaha webiga oo ay beertooda ku waraabsadaan ayaa dhowr jeer oo hore ay saameyn ballaaran ku yeesheen fatahaado uu sababay webiga Shabeelle, beeraha qaar ayaa waxaa gooyay fatahaadda.

Maryan Sheekh Cabdi/FM

Previous Post

Sool: Dad ku sumoobay hillib xoolaad

Next Post

Sheekada Dahabo Ahmed iyo qaxii dagaallada

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Sheekada Dahabo Ahmed iyo qaxii dagaallada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo