Raxan daanyeero ah ayaa lagu soo waramayaa iney dad ku weerareen tuulada Yaaqle oo ka tirsan deegaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo, Daanyeeradda ayaa weerar ku soo qaaday goobo ay biyo ka dhaansanayeen dadku.
Cabdiraxmaan Ismaaciil Maxamed oo ah gudoomiyaha tuulada Yaaqle ayaa Ergo u sheegay in daanyeeradu ay xoog kula dageen caagag ay biyo ku jiraan, iyagoo cabay, horeyna u sii qaatay qaar ka mid ah caagadihii, waxay kale biyihii ka fuuqeen baraago ay biyo yar yar ku dambeeyeen iyagoo weeraray dad doonayey iney baraagahaas biyo ka soo dhaansadaan, ayna afar qof dhaaawaceen ayna ugu darantahay gabadh 13 sano jir ah oo ay garabka goosteen, daanyeerada ayaa sidoo kale dhaawac u geystay dameerkii ay wadatay gabadhu iyo dameer kale.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dhacdadaan ay noqoneyso nooceedii ugu horeysay oo ka dhacda Tuuladda Yaaqle, Waxayna Ergo u sheegeen in dadka waaweyn iyo carruurtaba ay qabaan cabsi xilliga ay ku gudo jiraan biyo raadsiga.
Axmed Saalixi/AH










