Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

CARRUUR NAFAQO-DARREYSAN OO LASOO GAARSIIYAY ISBITAALKA BANAADIR EE MUQDISHO

admin by admin
July 10, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
CARRUUR NAFAQO-DARREYSAN OO LASOO GAARSIIYAY ISBITAALKA BANAADIR EE MUQDISHO

Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Daawo yaraan ka jirta gobollada dalka qaarkood, iyo hay`adihii samafalka ee taakuleyn jiray isbitaalladaas oo meesha ka baxay sida hay`adda takhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa sababtay in carruur badan oo nafaqo darro ay hayso lasoo gaarsiiyo magaalada Muqdisho, si loo daweeyo.

Carruur laga kala keenay goballada Mudug, Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Shabeellada Hoose  ayaa  haatan lagu daweynayaa isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir, kuwaasoo ay ka muuqato nafaqo darro aad u sarreysa.

Xaliimo Xasan oo ah hooyo haysata lix carruur ah kana timid miyiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug isla markaana gabadheeda oo 1sano jir ah keentay isbitaalka, ayaa Ergo u sheegtay “Sababta keentay in aan Mudug ilaa Muqdisho soo qaado ilmahayga yar waa dawo yaraan ka jirta deegaanka, xanuunka gabadheyda hayana waxaa la iigu sheegay nafaqo darro halkaan ayaana lagu quudiyaa.” ayay tiri Xaliimo Xasan.

Carruurta isbitaalka ku jirta ayaa lagu quudiyaa caano iyo buskut nafaqeysan, si ay usoo kabssadaan.  Xabiibo Cumar oo iyadana  gabar 4 bilood jirta oo ay ayeeyo u tahay ka keentay baadiyaha deegaanka Tooratoorow ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegtay in gabadheeda ay dhalatay xilli deegaanku ay ka jirto abaar oo caanihii xoolaha ee carruurta lagu quudin jirayna aysan haysan, ayna muddo kadib ku aragtay xanuunno ay garan weysay waxa ya yihiin. “Qandho iyo barar ayaan ku arkay markii hore, markaan halkan keenayna waxaa lagu shubay dhiig, hadda quudin iyo daweyn kale ayaa u socota aad bayna u roon tahay, xanuunkeedana waxaa la iigu sheegay nafaqo darro”

Cabdi Xasan oo wiil 5 sano jir ah magaalada Beledweyne kasoo qaaday oo lagu quudinayaa isbitaalka Banaadir, ayaa sheegay in wiilka yar ay weynaatay caloosha, uuna ku arkay qandho daran, “lix bilood ka hor ayuu xanuunkan qabtay wiilkeyga ma garanayn wuxuu yahay, laakiin markaan Muqdisho keenay ayaa la ii sheegay in wiilkeyga ay hayso nafaqo darro, hadda waa la quudiyaa waxaana dareemayaa in calooshiisa ay wax iska beddeleen.” Ayuu yiri Xasan Cabdi.

Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir ayaa quudin lacag la`aan ah u sameeya carruurta ay hayso nafaqo darrada ee laga keeno gudaha magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.

Dr. Faa`isa Maxamed Yuusuf oo ka mid ah dhaqaatiirta qaybta quudinta carruurta ee isbitaalka Banaadir ayaa Ergo u sheegtay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay ay kordheen carruurta nafaqo-darreysan ee isbitaalka lasoo gaarsiinayo. “Saddexdii bilood ee sanadka ugu horreysay hal ilaa saddex kiis ayaan qaban jirnay, balse hadda ilaa toban bay gaarayaan, waxaana laga kala keenaa bannaanka Muqdisho, iyo gobollada dalka oo ay ugu badan yihii Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Xamdi Cabdullaahi Xasan/FM

Previous Post

Ehelada carruur qarax ku dhaawacantay dowladda taageero weydiisanaya

Next Post

BEERALLEY XUDUR U BARAKACDAY

Related Posts

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye
Beeraha Iyo Xoolaha

Dalag biyo la’aan awgeed u qalalay oo hubanti la’aan cunno biday beeraleyda Afgooye

September 7, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Next Post
BEERALLEY XUDUR U BARAKACDAY

BEERALLEY XUDUR U BARAKACDAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-SEP-2026

IDAACADDA 07-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-SEP-2026
September 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-SEP-2026
September 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo