Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruur macluul ugu geeriyootay duleedka Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
July 16, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Ilmo nafaqo darreysan oo ku sugan isbitaalka Banaadir/Sawir/Xamdi Cabdullaahi

Ugu yaraan sideed carruur ayaa nafaqo-darro ugu geeriyootay xero dad deegaanadooda kasoo barakacay ay ku nool yihiin oo ku taal duleedka magaalada Muqdisho.Weriyaha raadiyoow Ergo ee magaalada Muqdisho Xamdi Cabdulaahi waxey sheegtay in xeryaha kale ee isla deegaankaas ku yaal ay iyana carruur ugu geeriyoodeen nafaqo-darrida balse tiro koob rasmi ah laga ma helin.

Haddaba, Xamdi waxey wareystay labo ka mid ah haweenka carruurtoodu ay nafaqo-darridu u geeriyoodeen.  Haweenkaas waxaa ka mid ah Jiijo Jamaal Sheekh Cumar  oo qoyskeeda oo beeroley ah ay kasoo barakaceen dagaalka Qoryooley ku dhexmaray beelo hubeysan.  Labo ka mid ah carruurteeda ayaa macluul ugu geeriyootay xero ku taal deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Jiijo: Ilmaha waa iga rafaadeen dhibaato weyn ayaa na haysato nafaqo darro ayay ilmahaygii iiga dhinteen

Ergo: Imisa carruur ah ayaa kaa dhimatay?

Jiijo: Wiil afar jir ah iyo gabar saddex sanno jirta ayaa iga dhimatay meeshaan intaan joogay, dhibaatooyin  badan oo isgu jira baahi, oon  iyo musqul la’aan ayaa na haysato

Ergo: Intaysan ilmuhu kaa dhiman ma geysay dhakhtar?

Jiijo:Maya, meel aan geeyo oo aan dawo uga raadiyo waan garan waayay

Ergo: Ilmahaagu ma nafaqo darri ayay u dhinteen mise xanuunno kale?

Jiijo: Baahi iyo nafaqo darri ayay u dhinteen, habeenkii wax la siiyo ma leh, magaalada haddaan galo wax aan soo helayo ma jirto , dhar-dhaqoow haddaan u baxo 20 kun oo sh/so ah ama 30.sh/so ah  ka badan ma soo helayo, waxay goynaysana ma leh, dhibaatadaas ayaa jirta waa iska baaba’ayaan ilmuhu.

Ergo: Intaysan kaa dhiman carruurtu maxaad siin jirtay?

Jiijo: Haddaan helo  Soor  iyo Caano garoor ayaan siin jiray, haddaan waayana Mooska cagaarka, Yaanyo iyo Bocor ayaan u Karin jiray markaan beeraheenna joognay, haddaan waayana waan iska seexin jiray, hadda waan soomanahay wax aan ku afuro ma haysto waxaan ilmaha u kariyana ma jiraan dhibaatadaas ayaa inna haysato.

Xabiibo Cali waa hooyo ku nool xerada Sarkuusta ee duleedka magaalada Muqdisho oo dhowr carruur ah nafaqo-darro ugu geeriyoodeen.

Ergo:Tirada carruurta ee k u dhimatay kaamka aad  ku nooshahay ee nafaqo darida sababsaday waa imisa?

Xabiibo: Carruurta halkaan ku dhimatay ee nafaqadarridu haleeshay siddeed carruur ah wey ka badan yihiin.

Ergo: Imisa carruur ah ee aad adigu dhashay ayaa dhimatay?

Xabiibo: Saddex carruur ah ayaa nafaqodarri iiga dhimatay Shacbaankii la soo dhaafay, siday u joogeen ayay barareen, meelaha farmashiyeyaasha ayaan geeyay ka dibna waa iska dhinteen.

Ergo:Yaa xaqiijiyay inay seddexdaada ilmoodba ay nafaqo darri u dhinteen?

Xabiibo: Dariskeyga oo dhan ayaa arkayay in ilmahayga waxa ku dhacay ay nafaqodarri ahayd una  geeriyoodeen.

Ergo: Maxaa siin jirtay ilamahaaga intaysan dhiman?

Xabiibo: Bariiska ama baastada haddaan helo ayaan siin jiray wax aan u kala sooci jiray ma leh, caano uma awoodo, tabartayda ayaaba sidaas ah, nafaqada  la sheegayana maba awoodno waligeyna caano ma siin.

Ergo: Saddexdaada carruurta ah ee dhimatay  ma isku mar ayay geeriyoodeen?

Xabiibo: Labo  ka mid ah laba maalin oo isku xigtay ayay geeriyoodeen midna muddo yar ayuu ka dambeeyay.

Ergo:Muddo intee la`eg ayay xanuunsanaayeen ilmahaagii dhintay?

Xabiibo: In muddo ah ayay iga xanuunsanaayeen, waan la dhibtooday, waan la murugooday ka dibna waa iga saqiireen Ilaahay ayaa sidaas u qaddaray.

Ergo:Maxay kala ahaayen ilmaha kaa dhintay?

Xabiibo: Laba wiil iyo gabar  ayay ahaayeen.

Ergo: Yaa ku caawiyay markii ilmuhu kaa dhinteen?

Xabiibo: Dariskeygu waa ii soo tacsiyeeyeen laakiin cidkale oo ii soo gurmatay ma jirto, kaamkaanna laba soon  ayaan degganahay cid waligey i caawisay oo hay’ad ama cid kale oo aan caawimaad ka helayna ma jirto.

Previous Post

CHILDREN DYING OF MALNUTRITION IN IDP CAMPS

Next Post

BEERALLEY HOR LEH OO KUSOO BARAKACY BAYDHABO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
BEERALLEY HOR LEH OO KUSOO BARAKACY BAYDHABO

BEERALLEY HOR LEH OO KUSOO BARAKACY BAYDHABO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 19-APR-2026

IDAACADDA 19-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 19-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo