Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

KALLUUMAYSATADA PUNTLAND OO SOO DHOWEEYEY KAADHADH AQOONSI AY HELEEN

admin by admin
April 4, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
KALLUUMAYSATADA PUNTLAND OO SOO DHOWEEYEY KAADHADH AQOONSI AY HELEEN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankWasaaradda kalluumaysiga oo gacan ka helaysa hay’adda cuntada iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO ayaa waday hawlo ay kaadhadh aqoonsi ku siinayaan kalluumaysatada Puntland.
Muuse Cabdalla Ciise oo ka mid ah kalluumaysatada gobolka Bari ayaa Ergo u sheegay in kaadhadhkani wax wayn ay ka tarayaan  shaqadooda “Waagii hore budhcad badeed ayaa markasta naloo malaynayey, hadda ID kaadh ayaan samaysannay, dhibaatadaasna way naga yaraatay, xalay oo ugu dambaysay anigoo badweynta ku jira ayaa markab dagaal na helay, markaan tusnay kaadhkeeniina waa na sii daayeen, kaadhkaanna wuxuu naga caawiyey inaan badda meeshaan doonno ka tagno kana soo kalluumaysanno, maraakiibta dagaalka ee la dagaallanta burcad badeedda ayaanan markii hore uga baqaynay, mana aanan dhaafi jirin xeebaha”
Cabdi Ismaciil oo  markaas qoorta ku sitay kaadhkiisa, isagoo ku sugan xeebta Boosaaso ayaa isaguna Ergo u sheegay “Runtii kaadhkaani wuxuu naga caawiyey inuu qeexo waxaan nahay, inaan nahay dad xoogsato ah, muddo hadda bil ka hor ayaan helnay, runtiina waan ku nasannay, horay waxaa iigu dhacday waqtiyo badan in la igu qabtay badda gudaheeda iyadoo budhcad badeed la ii malaynayo, saacado badan oo la i haystayna ay keentay inuu xitaa kalluunkii aan soo jilaabtay qudhmo oo aan badda ku qubo”
Cabdinuur Cilmi Maxamuud Biindhe oo ah wasiirka kalluumaysiga ee Puntland ayaa isaguna Ergo u sheegay in aqoonsigaan ay waqti badan geliyeen, sidii ay u soo saari lahaayeen, ayna gaarsiin doonaan dhammaan gobollada Puntland kalluumaysatadeeda, iyagoona gacan ka helaya hay’adda cuntada iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO, tanina waxay xaq siinaysaa kalluumaysatada deegaanka, ayna sahlayso in lakala saaro budhcad badeeddii iyo kalluumaysatadii ajaanibta ahayd ee badaha sida sharci darrada ah ku kalluumaysanayey.
Wasiirka ayaa sheegay inay waqtigaan xeebaha Puntland ay ka diwaan geliyeen 4 kun oo kalluumaysato ah, ayna bilaabeen qaybinta kaadhadhka dhammaadka bishii Maarso ee ina dhaaftay, waxayna u diyaariyeen dhammaan kaadhadh kalluumaysatada, hadda gobolka Bari keliya ayaa kalluumaysatooda la gaarsiiyey kaadhadhka, gobollada kalena hadda qaar loo diray kuwa kalena waa loo diri doonaa, ugu dambayna bishaan Abriil qofkastoo kalluumaysi ah oo Puntland ku sugan wuu haystaa kaadhkaan aqoonsi, wasiirka ayaa sheegay xeebaha ay gaadhsiinayaan kaadhadhka ay yihiin iskaashatooyinka kalluumaysatada ee ku kala sugan, Laasqoray, Boosaaso, Qandala, Caluula, Baargaal, Xaafuun, Bayla, Eyl iyo Garacad oo dhammaantood ah goobaha shaqada kalluumaysiga ah ee ugu muhiimsani ka socdaan, ayna yaalliin qaboojiyayaal.
Kalluumaysatada ayaa dhinaca kale codsaday qalabyo dheeri ah oo dhinaca kalluumaysiga ah maaddaama ay hadda ku dhiirran karaan hawlaha kalluumaysi oo tan iyo intii budhcad badeeddu kacday ahaa kuwo curyaamay baqdin ay ka qabaan in lagu khaldo budhcadbadeeddaas.
Khadra Maxamed Xasan/MH
Previous Post

QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKAAN

Next Post

Barakacayaal ku qulqulaya Baladweyne

Related Posts

blank
Cunto-Yaraanta

Qoysaska macalimiin shaqo la’aan noqday oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

May 22, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Next Post
Barakacayaal ku qulqulaya Baladweyne

Barakacayaal ku qulqulaya Baladweyne

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo