Degmada Boocame oo 78km ka xigta koonfur bari xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ayaa qaybaha bulshada deegaanku u qalab qaateen in ay joojiyaan xaaluf ay kooxo dhalinyaro ah ka wadaan miyiga deegaankaas, afartii sano ee ina dhaaftay, iyagoo dhirta gubaya kadibna ka samaysta dhuxul iyo nuuraad ay suuqyada u iib geystaan.
Hawshaan ayaa waxaa hormuud ka ah odoyaasha iyo maamulku Boocame, waxaana hadda xabsiyada degmada ku jira dhalinyaro loo xir xiray kiisaskaan xaalufinta deegaanka ah.
Hawl galkaan dadka deegaanku ku dhaqaaqeen ayaa ka danbeeyey markii kooxo dhalinyaro u badan ay dhirta gubis iyo jaris ka wadeen afartii sano ee la soo dhaafay,
Maxamuud Xirsi Faarax oo ah ilaalinta deegaanka iyo duurjoogta ee degmadda ayaa Ergo u sheegay “Geedka qudhaca ah waa loo imanaya waa la jarayaa, inta laamaha ahna waa la iska tuurayaa, kadib waa la gubayaa godbaana lagu gurayaa si nuurad iyo dhuxul looga samaysto”.
Cali Dalmar Ibraahim oo ka tirsan odayaasha degmada ayaa Ergo u sheegay in muddadii afarta sano ahayd ee xalufku socday la isku dayey dhowr mar in la joojiyo laguse guulaysan waayey, haddase lagu guulaystay, tanoo ku timid bulshada qaybaheeda oo mowqif ka wada istaagtay.
Axmed XasanJaamac oo ah taliyaha booliska degmada ayaa Ergo u sheegay inay dadka ku gacan siinayaan hawshaan, laba ka mid ah dhalinayrada is hortaagtay talaabooyinkaanna xabsiga la dhigay, lana geyn doono maxkamad.
Demgada Boocame waxay dhaqaale ahaan dadkeedu ku tiirsan yihiin xoolaha iyo beero yar yar, abaaro soo noqnoqday oo yareeyey dheeftii xooolaha iyo wax soo saarka beeraha, shaqo la’aan baahsan oo ka jirta deegaanka ayaana ka mid ah sababaha dhalinyarada ku kalifay in ay ku dhaqaaqaan falalka jarista dhirta si ay dhaqaale uga helaan.
Axmed Muuse Yuusuf oo u dhaq-dhaqaaqa horumarka dhalinyarada Boocame ayaa qaba in shaqo la’aan baahsani ay haysato dhalinyarada, wuxuu sheegay in howsha dhir-gubista ee la joojiyey ay mar kale adkaysay nolosha dhalin badan, wuxuuse bulshada ku booriyey in shaqo abuur la sameeyo.
Go’aamada isku duubnida leh ee dadka deegaanku qaatay oo hadana ficil loo bedelay ayaa hadda muujinaya horumar laga sameeyey joojinta gebi ahaanba jaristii dhirta, balse deegaanka waxaa ka jirta abaar maadama aysan roobab badan u di’in sanadkii hore, iyadoo dadka deegaankuna codsanayaan maamulka Puntland inay sameeyaan sharci ku aadan xaalufinta deegaanka, sidoo kalena laga gacan siiyo habkii wacyi gelin iyo farsamooyin kale loo sii lahaa dadka dhirta jara.
Cabdiraxmaan/MH










