Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

Bulshada rayidka Puntland oo ka tashanaya arrimaha deegaanka

Radio Ergo by Radio Ergo
January 16, 2014
in Masiibooyinka
0
Bulshada rayidka Puntland oo ka tashanaya arrimaha deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBulshada rayidka ah ee Puntland ayaa bilaabay shirar dib loogu fiirinayo xeer qabyo ah oo loo dhisayo deegaanka, sidoo kale waxaa shirarka intooda badan lagu gorfaynayaa badbaadinta deegaanka oo xaaluf xooggan lagu sameeyay burburkii kadib.

“Shirkan wuxuu qayb ka yahay ajandayaal dhowr ah oo bulshada rayidka ah ay ka tashanayeen ilaa sanadkii hore si loogu daro howlaha siyaasadeed ee dowladda iyo doonitaanka shacabka,” Ayuu yiri agaasimaha fulinta dalladda PUNSAA, Maxamed Cabdi Cilmi (Huruuse) oo u warramayay Ergo furitaanka shirka kadib.

Dalladda ururrada bulshada aan dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa diyaarisay shir hadda ka bilowday Garoowe oo lagu aruurinayo fikradaha habboon ee lagu samatabixin karo deegaanka, shirka ayaa waxaa fadhiya dad ehel u ah deegaanka, sida aqoonyahanno, arday bartay cilmiga deegaanka, nabad-doonno, haweenka iyo dhallinyarada.

“Shirka waxaa la doonayaa inay ka soo baxaan talooyin macquul ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo qorshaha deegaanka ee halkan,” Ayuu yiri Huruuse

Dhirta laga gubo dhuxusha, bohollaha, xirmaysiga iyo waxyaabo kale oo badan ayaa sidii xal looga gaaari lahaa shirka lagu gorfayn doonaa maalmaha dhowrka ah ee uu socdo. Wasiir ku xigeenka deegaanka Puntland, Burhaan Cilmi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in wada tashiga dowladda iyo dadka inuu muhiim u yahay deegaanka.

“Fikradaha halkan lagu aruuriyo waxaa la gaarsiin doonaa meelaha ay ku habboon yihiin iyo hay’adaha maamulka iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ku shaqada leh,” Ayuu yiri agaasime Huruuse isagoo hadalkiisa ku daray “Waxaa jecelnahay in go’aan lagu gaaro macluumadka shirkan.”

Midowga Yurub ayaa Puntland ka taageeraya mashruuc lagu sifeeyey horumarinta deegaanka oo maamulka gacanta loo geliyey sanadkii hore, mashruuca oo ay ku baxayso ilaa €25 milyan ayaan weli si habsami leh u bilaabmin. Burhaan Cilmi ayaa xusay in deegaanka wax badan laga qaban doono sanadkan iyadoo laga faa’iidaysanayo dhaqaalahaas.

“Ilaa 15 dhallinyaro aqoon leh ayaa shirka jooga aad baana looga faa’iidaysan doonaa aqoonta dhallinyarada ee la xiriirta deegaanka, waxtar wayn ayaa dhallinyaro ahaan iyo dadka kaleba ugu jirta qorshahan gogosha loo xaarayo, ” Waxaa sidaa yiri Agaasimaha PUNSAA.

Deegannada Puntland waxaa ka jirta halis deegaan oo ah dhirta laga gubo dhuxusha meelaha qaar, xirmaysiga ayaa isna saamayn daran ku leh nolosha reer miyiga Puntland, dhirta oo yaraata ayaa keentay roobabkii oo yaraaday iyo weliba is beddel cimilo.

“Waxaa la ogaaday in roobabka yaraaday iyo daaqii oo la waayey ay sabab u yihiin dhuxusha iyo xaalufka nooc kasta leh ee deegaanka lagu hayo.” Agaasimaha fulinta PUNSAA Maxamed Huruuse ayaa sidaas sheegay.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM

Previous Post

Barakacayaasha xerada buulo-baclay ee magaalada Gaalkacyo oo ka cabanaya helitaanka adeegyada caafimaadka

Next Post

QARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
QARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

QARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 05-JUN-2026

IDAACADDA 05-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 05-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUN-2026
June 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUN-2026
June 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-JUN-2026
June 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-JUN-2026
June 1, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo