Bulshada rayidka ah ee Puntland ayaa bilaabay shirar dib loogu fiirinayo xeer qabyo ah oo loo dhisayo deegaanka, sidoo kale waxaa shirarka intooda badan lagu gorfaynayaa badbaadinta deegaanka oo xaaluf xooggan lagu sameeyay burburkii kadib.
“Shirkan wuxuu qayb ka yahay ajandayaal dhowr ah oo bulshada rayidka ah ay ka tashanayeen ilaa sanadkii hore si loogu daro howlaha siyaasadeed ee dowladda iyo doonitaanka shacabka,” Ayuu yiri agaasimaha fulinta dalladda PUNSAA, Maxamed Cabdi Cilmi (Huruuse) oo u warramayay Ergo furitaanka shirka kadib.
Dalladda ururrada bulshada aan dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa diyaarisay shir hadda ka bilowday Garoowe oo lagu aruurinayo fikradaha habboon ee lagu samatabixin karo deegaanka, shirka ayaa waxaa fadhiya dad ehel u ah deegaanka, sida aqoonyahanno, arday bartay cilmiga deegaanka, nabad-doonno, haweenka iyo dhallinyarada.
“Shirka waxaa la doonayaa inay ka soo baxaan talooyin macquul ah oo lagu dabaqo siyaasadda iyo qorshaha deegaanka ee halkan,” Ayuu yiri Huruuse
Dhirta laga gubo dhuxusha, bohollaha, xirmaysiga iyo waxyaabo kale oo badan ayaa sidii xal looga gaaari lahaa shirka lagu gorfayn doonaa maalmaha dhowrka ah ee uu socdo. Wasiir ku xigeenka deegaanka Puntland, Burhaan Cilmi oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in wada tashiga dowladda iyo dadka inuu muhiim u yahay deegaanka.
“Fikradaha halkan lagu aruuriyo waxaa la gaarsiin doonaa meelaha ay ku habboon yihiin iyo hay’adaha maamulka iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ku shaqada leh,” Ayuu yiri agaasime Huruuse isagoo hadalkiisa ku daray “Waxaa jecelnahay in go’aan lagu gaaro macluumadka shirkan.”
Midowga Yurub ayaa Puntland ka taageeraya mashruuc lagu sifeeyey horumarinta deegaanka oo maamulka gacanta loo geliyey sanadkii hore, mashruuca oo ay ku baxayso ilaa €25 milyan ayaan weli si habsami leh u bilaabmin. Burhaan Cilmi ayaa xusay in deegaanka wax badan laga qaban doono sanadkan iyadoo laga faa’iidaysanayo dhaqaalahaas.
“Ilaa 15 dhallinyaro aqoon leh ayaa shirka jooga aad baana looga faa’iidaysan doonaa aqoonta dhallinyarada ee la xiriirta deegaanka, waxtar wayn ayaa dhallinyaro ahaan iyo dadka kaleba ugu jirta qorshahan gogosha loo xaarayo, ” Waxaa sidaa yiri Agaasimaha PUNSAA.
Deegannada Puntland waxaa ka jirta halis deegaan oo ah dhirta laga gubo dhuxusha meelaha qaar, xirmaysiga ayaa isna saamayn daran ku leh nolosha reer miyiga Puntland, dhirta oo yaraata ayaa keentay roobabkii oo yaraaday iyo weliba is beddel cimilo.
“Waxaa la ogaaday in roobabka yaraaday iyo daaqii oo la waayey ay sabab u yihiin dhuxusha iyo xaalufka nooc kasta leh ee deegaanka lagu hayo.” Agaasimaha fulinta PUNSAA Maxamed Huruuse ayaa sidaas sheegay.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM