Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaasha xerada buulo-baclay ee magaalada Gaalkacyo oo ka cabanaya helitaanka adeegyada caafimaadka

Radio Ergo by Radio Ergo
January 16, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa jira bukaanno markii ay waayeen lacag ay isku daaweeyaan ay dantu ku qasabtay inay gurigooda dhexdiisa iskaga dhex murugoodaan. Weriyaha Ergo ee Gaalkacyo oo dhowaan booqday xerada Buula-bacleey ayaa ku dhex arkay bukaanno qaba xanuunno kala duwan oo u baahan inay helaan daaweyn, kuwaasoo isugu jiray kuwo hadalkii ka xirmay iyo kuwo xanuunno kala duwan sheeganaya.

Gabar yar oo xanuunka ku dhacay awgiis uu madaxu ka weynyahay jirka intiisa kale oo dhan, oo noqatay qof aad u malliilay, ayaa ka mid ah bukaannadaas, laakiin qoyska gabadhaas dhalay oo barakac ah ma awoodaan inay iska bixiyaan kharashka ku baxaya caafimaadka gabadhaas yar.,

Shukri Sarreeya Xaaji, waa hooyada gabadhan oo 11 bilood jirta, gabadhaas yar ayaa waxay la il darantahay xanuun ka haleeleelay madaxa, taasoo takhaatiirtu sheegeen inay u baahan tahay qalliin deg deg ah, si madaxa oo biyo ay uga jiraan looga sameeyo qalliin, Shukri ayaa idaacadda Ergo u sheegtay inay codsanayso in la caawiyo.

“Waa ku dhalatay xanuunka, muddaan isbitaal kula jiray, takhtarna waan tusay wuxuu igu yiri waan qalayaa, waxana uu iidiray inaan jiifiyo isbitaalka guud ee Gaalkacyo. Markii aan tagey isbitaalka waxaan la kulmay wiilal ka shaqeeya isbitaalka, waxayna igu yiraahdeen iska bixi lacag dhan $250 iyo sh,So 240.000. laakiin lacagtaas ma heli karin kadibna kuma laaban dhaqtarkii, ee waxaan dib ugu laabtay gurigeygii, dhibaato weyn baa haystaa gabadhaan yar ma seexato waana iska ooyeysaa, Aabbeheedna waa gaarigacanle mana jirto cid na caawisa” ayay tiri hooyo Shukri.

Cabdxakiin Cabdullaahi Faarax, oo ah guddoomiye ku xigeenka barakacayaasha Buulo-bacleey ee magaalada Gaalkacyo ayaa Ergo u sheegay inay ka codsanayaan hay’adaha samafalka iyo howl-wadeennada caafimaadka inay caawiyaan gabadhaas yar ee madaxa biyuhu ay uga jiraan, una baahan gargaar deg deg ah.

Dr Maxamed Xuseen Aadan, agaasimaha isbitaalka guud ee Jaamacadda Gaalkacyo oo ah isbitaalka dowladda ayaa sheegay inuusan xog ka hayn bukaankaas inuu yimid isbitaalka iyo in kale, wuxuuse ballan qaaday xanuunka haya gabadhaas yar ee hooyadaasi sheegtay inay u sameynayaan qalliimo lacag la’aan ah carruurta qabta xanuunkaas oo kale, taasoo uu sameeyo Prof Maxamed Jaamac Salaad, wuxuuna sheegay inuu ugu baaqayo hooyadaas inay gabadheeda keento isbitaalka guud ee Gaalkacyo.

“Anigu waxba kalama socdo hooyadaas arrinteeda, waxaana iigu horaysay gabadhaas xanuunkeeda wareysigii hadda ay ka hadlaysay dhibaatada haysata, oo ay kaga hadlaysay inay aragtay takhaatiirta qaarkood oo u soo diray isbitaalka guud, mana garanayo meel ay wax ka khaldameen. Maalin kastoo Sabti ah isbitaalku wuxuu sameeyaa qalliinnada noocaasoo kale ah.” Ayuu yiri Agaasimuhu.

Burhaan Cadeysay/FM

Previous Post

UNICEF oo maro-kaneecooyin u qeybisay qaar ka mid ah hooyooyinka gobolka Bari

Next Post

Bulshada rayidka Puntland oo ka tashanaya arrimaha deegaanka

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Next Post
Bulshada rayidka Puntland oo ka tashanaya arrimaha deegaanka

Bulshada rayidka Puntland oo ka tashanaya arrimaha deegaanka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo