Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

BEERALAYDA BELEDWEYNE OO KA CABANAYA CAYAAYAAN

admin by admin
January 3, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
BEERALAYDA BELEDWEYNE OO KA CABANAYA CAYAAYAAN

Photo | Sawir/keyd/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankBeeraleeyda Beledweyne ee beerta dalagyada khudaarta iyo geedmiroodka kale ayaa cabasho xooggani kasoo baxaysey tan iyo biloowgii bishii December, cabashadaas oo ku saabsaneeyd cayaayano weerar ku ah dalagyadii ay beerteen xilli roobeedkii Deyrta.
Waxay haddaba keentay taas inuu  muuqaal bushi ah ku reebo miraha iyo geedkaba  sida ay ku cabanayaan waxayna sheegeen in ay ku dadaaleen sidii ay uga hortagi lahaayeen aafadaas tasina ay suurtageli weyday markii ay aafadaas wada saameysay beeraha oo dhan.
“Dhammaan dalagyadii aan maanta fasalki Deyrta beeray  Barbarooni, Yaanyo, Bocor ,Basbaas, Kabsar iyo Qarre waxaa iiga habsaday cayayaan kadibna geedki iyo mirihiba waxay  isubadaleen bushi iyo muuqaal jirro ah, cayayaankii wuu batay, dhulkii kale markuu qalalay wuxuu isugu yimid webiga jiinkiisia iyo meelaha kale ee cagaarka leh, sida beerteeyda iyo kuwa dariskeeyga ah ” sidaasna waxaa raadio Ergo u sheegay Cabduqaadir Xuseen oo murugo iyo niyad-jab ka muuqato xilli uu dhex taagnaa beertiisa oo ku taal deegaanka Shabellow oo qiyaas dhan 12km kaga beegan koonfur- barri magaalada Beledweyne.
Cabduqaadir ayaa raaciyey hadalkiisa in xilligan hadda la joogo qeybta barbaarinta beeraha qaarkood ay u isticmaalaan,  beeraleeydu kagana xafidaan cayayaanka shabakadda kaneecada ee bani’aadamku ka dugsado kaneecada taas oo ay kudul rakibaan mirihii khudaarta ee ku jirra xilliga barbaarinta si ay uga xafidaan cayayaankaas weerarka ku haya.
Isaaq Cilmi Cabdulle oo ka mid ah beeraleeyda deegaanka Weheliye Lugoole oo isna ah meelaha beeraleeydu ka cabanayaan cayayaanka iyo bushiga  ayaa mar Ergo su’aashay dhibaatooyinka hadda haya ka jawaabayayay yiri ” Malabiso, diirato, injir, kabajaa iyo cayayaan kale oo yar yar ayaa fara ba’an nagu haya, waxaana ugu daran malabisada,  geedkii yaanyada iyo borbarooniga waxaad arkee geedkii qurxanaa  oo caleentii madoobaad noqotay ood u maleeynaysid in lagu daadiyay saliidda gubatay ee gawaaradida laga beddelo, markaad gacanta ku taabato geedka iyo mirihiisa waa kugu dhagdhagayaan, sidaas ayaana malabiso loogu magacdaray”.
Isaaq wuxuu hadalkiisa ku sii yiri” Bocorka iyo qarahana waxaa cunaaya cayayaan Duraay la yiraahdo,  oo duulaaya,  oo miraha durayo, massagada ma cudur badno maanta laakiin waxaad ku arkee meelaha qaarkood cayayaan saarane la yiraa oo sida diiratada ah, sabuulkuu galaa  markuu galana sabuulku mirro ma yeelanayo wuxuu noqonayaa madoobaad iyo waxaan jirrin”
Beeralaydaan ayaa sheegay in xirfadaha wax beerasho ee ay isticmaalaan yihiin kuwo dhaqan ahaan ay uga soo guuriyeen abayaashood, aysanse aqoon fiican u lahayn hababka isbedel ee lagu tayo geliyo beerashada, waxayna codsadeen in tababaro laga siiyo hababka loola tacaali karo cayayaankaan.
Abdullahi/MH/MRS
Previous Post

14 Qof oo cudurka shubanka ugu dhimatay Sanaag

Next Post

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Reer-guuraa Galgaduud oo ka cabanaya cudur ka dilaya xoolaha oo il-dhaqaale u ah

August 14, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Somalia news, Latest news, Drought, Somali news, Mogadishu live news
Beeraha Iyo Xoolaha

Xoolo-dhaqato ku wajahaya Somaliland cunno xumo, go’doon iyo roob la’aan

August 7, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
Next Post
QARARKII QIIMAHA XOOLAHA EE TODOBAADKA

WARARKII QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-AUG-2026

IDAACADDA 21-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-AUG-2026
August 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-AUG-2026
August 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo