Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

SOOMAALI LAGA SOO DAABULAY KOOFURTA SUUDAAN OO LAGA SOO DEJIYAY MUQDISHO

Radio Ergo by Radio Ergo
December 31, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank131 Soomaali ah oo laga soo daabulay dalka Koofurta Suudaan ayaa shalay laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee  Aadan Cadde, ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa qeyb ka ahaa 200 oo qof oo ku jiray safaaradda Soomaaliya ee magaalada Juba, caasimadda Kofurta Suudaan, kuwaasoo ay dowladda Soomaaliya u dirtay diyaarad khaas ah oo kasoo daabusha, maaddaama dalkaasi ay dhowr toddobaad ka socdaan dagaallo sokeeye.

Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in wasaaraddeedu ay dadaal dheer u gashya sidii dadkaasi Soomaalida ah looga soo samata bixin lahaa dalka Koofurta Suudaan, iyadoo sheegtay in dowladda dalkaasi ay ka caawisay arrintan.

“Dadkan iyagoo dalkooda colaado uga qaxay, ayaa haddana markii ay ladnaadeen ee ay degeen uu dagaal kale ku qabsaday Koofurta Suudaan, mar dhow baan tegay halkaas, waxaana ka ballan qaadnay inaan ka caawin doono sidii aan dalka dib ugu soo celin lahayn.” Ayay tiri Marwo Fowsiya.

Kumannaan Soomaali ah ayaa ganacsiyo ku lahaa magaalooyinka Juba iyo Boor oo ka mid ah meelaha ay dagaalladu xooggooda ka socdeen. 2 qof oo Soomaali ah ayaa la xaqiijiyay in dagaalladaasi ay ku dhinteen, halka kuwo kaloo badanna hantidoodii la boobay.

Xaawo Cabdullaahi Cali oo magaalada Juba ku sugneyd muddo 5 bilood keliya, kana tagtay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay inay ku go`doontay halkaas, haddana ay aad ugu faraxsan tahay inay dib ugu soo noqoto magaalada Muqdisho.

Marwo Fowsiyo ayaa ugu baaqday Soomaalida kale ee ku sugan Koofurta Suudaan ee doonaya inay dalkooda dib ugu soo laabtaan inay tagaan safaaradda Soomaaliya ee Juba, si looga caawiyo dib usoo noqoshada.

Koofurta Suudaan ayaa waxaa ragaadiyay xiisado beeleed iyo loollan awoodeed oo ka dhex taagan xisbiga talada dalka haya, taasoo cirka isku sii shareertay kaddib markii madaxweyne Salva Kiir uu xilka ka qaaday Riek Machar oo ku xigeenkiisii ahaa horraantii sanadkan.  Madaxweyne Kiir ayaa ku adkeysanaya in xiisaddan hadda taagan ay kiciyeen ciidamo daacad u ah Machar 15kii bishan, ilaa 1,000 qof ayaa dagaalladaas ku dhintau, halka 180,000 ay ku barakaceen, sida ay sheegtay QM.

Yuusuf Keynaan/FM

Previous Post

CABDIWELI SHEEKH: WAA MUHIIM INAAN SI GAAR AH U EEGNO DADKAN BARAKACAYAASHA AH…

Next Post

14 QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU DHIMATAY SANAAG

Related Posts

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku hanti beelay colaad oo Muqdisho ku wajahaya nolol xumo

August 5, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, hoy la’aan iyo dayac ku haysta Baladwayne qoys la barakiciyay

August 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shaqo la’aan ku dhacday dad xeryaha Gaalkacyo ka samayn jiray wacy-galin bulsho

August 2, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qorshe lagu horumarinayo Muqdisho oo shaqo la’aan biday barakac iyo danyar

July 14, 2026
Next Post
14 QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU DHIMATAY SANAAG

14 QOF OO CUDURKA SHUBANKA UGU DHIMATAY SANAAG

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 20-AUG-2026

IDAACADDA 20-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 20-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-AUG-2026
August 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-AUG-2026
August 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-AUG-2026
August 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-AUG-2026
August 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-AUG-2026
August 16, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo