
Doonta qallibantay oo ay saarnaayeen 12 qof ayaa ku socotay tuulada Gawaan oo 5km u jirta degmada Jowhar oo ay fatahaaddu go’doomisay.
Afar haween ah iyo nin waayeel ah oo ka mid ah ahaa dadka doonta saarnaa ayaa la badbaadiyay, laakiin shan qof oo kale ayaa weli meelna lagu sheegin.
Ciise Axmed Cali oo ka mid ah dadka deegaanka wuxuu raadiyo Ergo u sheegay in dadka deegaanku weli ku mashquulsan yihiin baadigoobka dadka lala` yahay.
Isla Jowhar, Cabdinuur Saalax oo ah gudoomiyaha tuulada Baarreey ayaa raadiyo Ergo u sheegay in dadka deegaanka ay heleen meydka wiil labo sano jir ah oo ay biyahu kasoo qaadeen tuulada Mansuur oo deegaankaas ka fog 37km.
Weriyaha raadiyo Ergo uga soo warranta gobolkaas waxa ay leedahay 10 qof ayaa u dhintay daadad iyo fatahaada webiga oo bilowday bishii Agoosto.
Maryan Cabdi/ MR/MRS









