Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Wareysi: quudinta habboon ee dhallaanka iyo carruurta yaryar

Radio Ergo by Radio Ergo
November 8, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaan wareysi la yeelannay Xaliima-nasra Maxamed oo ka tirsan qeybta nafaqeynta ee barnaamijka cuntada adduunka u qaabilsan QM ee  WFP, waxayna inooga sheekeyneysaa sida ugu habboon ee loo quudiyo dhallaanka iyo ilmaha yaryar.

Xaliima-nasra: Ilmaha marka uu ka yaryahay 2 sano waa waqtu uu ilmuhu aad u nugul yahay waxaana ku socda laba koritaan oo kala ah inuu ilmuhu weynaado iyo inuu caqli yeesho oo dhanka maskaxda uu ka koro, waqtigaas waxaa hooyada looga baahan yahay inay aad ugu dadaasho siduu ilmuhu u heli lahaa nafaqada ugu wanaagsan.  Ilmaha marka ay hooyada dhasho waxaa loo baahan yahay inay isla markiiba naaska ku duwdo, oo ay siiso naas-nuujin barax tiran oo looga jeedo inay keliya naaska siiso, looma baahna inay biyo siiso, sokor ama malab ay biyo ugu walaaqdo amaba ay caano kale siiso. Lixda bilood kadib naaska hooyada keliya kuma filna, wuu weynaaday oo caloosha ayaa u adkaatay, waxaana hooyada looga baahan yahay inay ku bilowdo cunno kale, laakiin waa inay fahantaa inay inyar inyar u siiso ayna fahansantahay cuntada ay siineyso.

Ergo: Caanaha ugu horreeya ee naaska ee danbarka loo yaqaanno, malagu bilaabi karaa ilmaha markuu dhasho, mise dhibaato ayaa ka imaan karta?

Xaliima-nasra: Caanaha danbarka waa kuwo ugu muhiimsan ee loo baahan yahay inuu canugga helo, hooyooyinka Soomaaliyeed badanaa way daadiyaan caanahaas, iyagoo aaminsan inay keenaan cudurro badan, caanahaas wuxuu ilaah ku abuuray wax afka qalaad lagu yiraahdo (Anti bodies) oo ilmaha ka difaaca cudurrada oo daafaca jirkiisa kordhinaya. Waa in hooyooyinka ay fahmaan in caanaha danbarka ay yihiin kuwa ugu wanaagsan ee ilmaha dhashay lagu bilaabo.

Ergo: Hooyada haddii ay uur yeelato ma joojineysaa naas-nuujinta mise way sii wadeysaa, maxaa dhibaato ah oo ka iman kara haddii ay nuujiso amaba iska deyso?

Xaliima-nasra: Hooyada ayadoo nuujineysa haddey qaaddo uur kale looma baahna inay joojiso nuujinta. Haddaan Soomaali nahay waxaa naga dhaadhacsan, hooyooyinka waxay aaminsan yihiin in canugga caloosha ku jiro uu jirrado oo ay isku aragto dilan, midka yar ee ay nuujineysana uu ka qaado cudurro badan, waxaasi maaha wax jira, haddey hooyadu caafimaad qabto waxba kama dhibeyso inay nuujiso ayadoo uur leh.

Ergo:  Waxaan kaloo aragnaa in nafaqo darradu ay ka mid tahay waxyaabaha  hooyada ku kallifa inay joojiso nuujinta ilmaha, sidee hooyada oo nafaqeysan caafimaadna qabta ay u nuujin kartaa ilmaha?

Xaliima-nasra: Hooyada laftigeeda waa inay is tahbiibto oo ay cunto wax walboo ay heli karto, ma aha inay uurka u nuglaato, maskixiyan ay ogaato in uurku uusan cudur ahayn, uurku waa wax caadi ah, qof walboo uur yeesha dhib ma qabo oo jirro ma aha, haddii hooyadu aysan ku dhicin cudurro kale way nuujin kartaa ilmaha, waxaa keliya looga baahan yahay inay isku dadaasho.

Ergo: Waxaad sharraxaad ka bixisaa faa`iidada ay naas-nuujintu u leedahay ilmaha?

Xaliima-nasra: Naas-nuujintu waa shey muhiim ah, lamina heli karo wax la mid ah naaska hooyada. Waxaa laga helaa (Anti bodies) oo cudurrada ka difaaca carruurta, ilmuhu waxay naaska ka helaan tallaal ka hortaga cudurrada ku dhici lahaa, tan labaad waxaa ka dhasha kalgaceyl xoog leh oo ka dhaxeeya hooyada iyo ilmaha, wayna dareemi  kartaa marka ay naaska ku duwdo sida uu u eegayo keliya ma ahan wax la qiyaasi karo. Naaska wuxuu Ilaah ku abuuray nafaqada jirka uu u baahnaa oo dhan, wuxuuna ilmaha ka helaa nafaqo dheelli tiran, nafaqo akle oo bannaanka uu ilmaha uga baahan yahay malaha. Caanaha naaska mar walba waa diyaar oo uma baahna kululeyn iyo qaboojin intaba, tan kale hooyada faqiirka ah iyo tan taajiradda ahba waa isku mid caahana naaskooda, oo waxaa keliya looga baahan yahay inay si wanaagsan usiiso ilmaha.

Ergo: Ilmaha aan naaska la nuujin iyo kuwa la nuujiyay maxay ku kala duwan yihiin muuqaal ahaan iyo maskaxiyan ahaan?

Xaliima-nasra: Ilmaha naaska la nuujiyay waa kuwo firfircoon, waa ilmo marka ay soo weynaadaay caqli badan, waa kuwo bini`aadamka kale la dhaqmi karo, sida aan soo sheegay naacaha naaska wuxuu ilmaha ku abuurayaa kalgaceyl, ilmaha naaska la nuujiyay wuu ka wanaagsna yahay kuwa aan helin dhanka la dhaqanka dadka. Caafimaad ahaa wuu ka wanaagsan kuwa aan la nuujin, kuma dhacaan shubanka iyo nafaqo darrada, waxayna takhaatiirta sheegeen in ilmaha aan naaska nuugin uu afar jeer uga dhow yahay dhimashada kuwa la nuujiyay.

Ergo: Maxaa ka mid ah cudurrada ku dhici kara ilmaha aan naaska la nuujin?

Xaliima-nasra: Ilmaha aan naaska nuugin cudurrada ugu badan eek u dhaca waxaa ka mid ah shubanka, sababtoo ah hooyada waxaa laga yaabaa inay isticmaasho masaasad iyo weelal kale oo nadaafad ahaan aan habbooneyn, marka cunno kale la siiyo waxaa dhacda in shuban uu ku dhaco oo biyaha ay jirkiisa ka dhammaadaan, kaddibna nafaqo darro iyo cudurro kale ay ku dhacaan.

Ergo:  Marka lixda bilood ee naaska keliya laga gudbo, waa sidee cuntada la siin karo oo lagu bilaabo karo ilmaha?

Xaliima-nasra: Ilmaha oo lix bilood ah haddii lagu bilaabo cunno waaweyn waxay u sababeysaa calool xanuun, sababtoo ah calooshiisa ma shiidi karto, lama siin karo cuntada dadka waaweyn, waxaa loo baahan yahay inay hooyadu u sameyso cunto u gaar ah oo jilicsan ayna inyar inyar u siiso.

Ergo:  Waa maxay dhibaatada ka imaan karta haddii ilmaha xilli uusna gaarin cunto kale lagu bilaabo, iyo haddii laga daahiyaba?

Xaliima-nasra: Laba arrinba way dhacdaa, hooyada haddii ay ilmaha yar cunno kale siiso waxaa ka imaan kara calool xanuun oo ilmaha calooshoodu cunto ma shiidi karto, nafaqo darro ayaa ku dhici karta. Haddii ay ka daahiso oo ilmaha oo dhaafay 6 bilood gudbay aan la siinin cunto kale, dhibaatada koowaad waa inuusan ilmuhu oggolaan sababtoo ah ma yaqaanno, tan kalena ilmuhu wuu kobcay kumana filnaan karaan caanaha naaska oo keliya, wuxuu u baahan yahay cunto kale oo uu nafaqo ka helo.

Ergo: Ma jiraan calaamado ay hooyada ku garan karto in ilmaha ay u baahan yihiin cunto kale?

Xaliima-nasra: Waxay hooyada ku garan kartaa ilmaha oo indhaha la raacaya cuntada kale amaba gacanta ku laacaya, iyo inuu carrabka dhadhaqaajiyo, marka waa in hooyooyinka ay fiiro gaar ah u yeeshaan calaamadahaas.

Previous Post

Umulisooyinka isbitaalka laascaanood oo sheegaya inaysan haysan takhtar xaaladaha degdegga ah la tacaala

Next Post

Wareysi: aabbe labadiisa wiil uu curyaamiyay cudurka dabeysha

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Wareysi: aabbe labadiisa wiil uu curyaamiyay cudurka dabeysha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo