
Kalkaaliso sare Maryan Xaaji Diiriye ayaa Ergo u sheegtay goorta ugu dambaysay takhtarkii qalliinka iyo daawaynta qaybta hooyada iyo dhallaanka ee isbitaalka Laascaanood “Dhibaatadda takhtar xumidu way haysatay isbitaalka degmada sanadihii u dambaysay, kii ugu dambeeyey wuxuu noo yimid 5tii bishii kowaad ee sanadkii hore, waxaa noogu dambaysay 28kii Agosto sanadkan, intaa waa naga maqan yahay dhibaatootyin badan ayaa soo gaadhay hooyada iyo dhallaanka, markaa dhibaato wayn ayaa nahaysata, hadda ma haysanno wax takhtar qalliin ah markay hooyo umulaysa ku timaaddo xaalad deg deg ah, ma haysanno waxaa loo gudbiyaa gobollada nala deriska ah, markaa waxa ugu culus ee na haystaa waa la’aanta takhtarka dhalmada.
Weriyaha Ergo ee Laascaanood oo tegay qaybta hooyada iyo dhallaanka ee isbitaalka ayaa sheegay inuu kula kulmay hooyo lagu magacaabo Farxiya oo markaas ku umushay ilmo, iyadoo saacadduna ahayd 7:30, waxayna sheegtay “Walaal fooshii way igu dheeraatay, laba maalmood iyo laba habayn ayaanan foolanayey, aad ayaanan u xanuunsaday, waxaana la i keenay isbitaalka, mana ka helin takhtar talo ama i siiya la tacaalid kale.
Hooyadan ayaa sheegtay in waqtigaan ilmaheedu uusan waxba qaadanayn, xitaa uusan naas nuugi karin, inkastoo kalkaaliyayaashu u sheegeen in caafimaadka ilmuhu wanaagsan yahay, haddana weli waxay qabtay wel welka ah in la siiyo xaqiiqda waxa xaaladda ilmaheedu ku sugan yahay.
Farxiya ayaa intaas ku dartay markii loo keenay isbitaalka inay ku dhasho ee haddana lagu yiri ma joogo takhtar ay walaac ku abuurtay, aysanse haysan waddo kale oo ay marto, duruufaha dhaqaalena uusan u saamixin inay gobollada kale ka raadiso takhtar maaddaama ay fooshu ku dheeraatay.
Kalkaaliso Maryan oo ka hadlaysay iyadoo aysan hawl badani ka jirin isbitaalka ayaa sheegtay “Wixii dhalmo fudud ah waa noo yimadaan, haddaba midbaa foolanaysa ilaa shalay afar dumar ah baa dhashay, markaa goobo badan oo dumarka dhibaataysan laga soo gudbin jiray ayaa jiray oo ka tirsan gobolka, laakiin hadda ma jiraan cid qali doonta mana jiraan haween badan oo la keenayo, waxaana loo qaadaa goobo ay takhtar ka helayaan oo ah gobollada nala deriska ah ee Burco, Garoowe ama Gaalkacyo.
Ilaa intaan takhtar joogin isbitaalkana way jireen dhibaatooyin na soo maray, tii ugu dambaysayna shalay ayey ahayd, oo hooyo fooshii ku dheeraatay ayaa jirtay, isku daynay inaan caawinno laakiin takhtar ayey u baahnayd, mar dambe ayey dhashay, xilligaas xitaa dadka qoyska hooyada waad is nacaysaan, waayo waxay rabaan inay helaan takhtar ka caawiya wixii dhibaato ah ee xilliga dhalmada ku imanaya hooyada. Waxayna umulisooyinka takhtarka Laascaanood codsadeen in laga gacan siiyo sidii takhtar ay ugu heli lahaayeen isbitaalka dhalmada ee Laascaanood.
Cabdikariim Olol/MH/FM








