Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Shuban iyo duumo laga cabsi qabo in ay ka dilaacaan beledxaawo

Radio Ergo by Radio Ergo
November 26, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHowl-wadeenno caafimaad oo ku sugan degmada xuduudda ku taal ee Beled-xaawo ee gobolka Gedo ayaa ka digaya in cudurrada shubanka iyo duumada ay ka shashaan biyaha wasaqeysan ee roobka deyrta uu magaalada dhigay.

Roobka deyrta oo dhawaanahan ba ka da’ayay magaalada ayaa biyo wasaqeysan dhigay waddooyinka, suuqyada iyo goobaha kale ee dadweynu ku kulmaan, taas oo halis weyn ku ah faya-dhowrka deegaanka.

Agaasimaha isbitaalka Balad-xaawo Maxamed Cali ayaa sheegay in dadka deegaanka ay halis ugu jiraan in ay qaadaan cudurrada ka dhasha nadaafad darrida iyo biyaha wasaqeysan.

Weriyaha raadiyoow Ergo ayaa sheegaya in nadaafadda degmadu ay tahay mid mar walba oo roob da’o laga wel-welo, sababtoo ah biyo wasaqeysan ayuu roobku dhigaa gudaha magaalada.

Agaasimaha isbitaalka degmada Beled-xaawo wuxuu sheegay in hadda ay hayaan hal dhacdo oo maleynayo in uu yahay cudurka shubanka. Wiil yar oo miyir la’aan ah oo lagu arkay astaamaha cudurka shuban-biyoodka ayaa isbitaalka yaal. Sheybaar iyo tijaabooyin laga qaadayna waxaa loo diray magaalada Nayroobi bal si loo xaqiijiyo nooca cudurka.

Haddii ay hubaal noqoto, oo cudurka shuban biyoodku ka dilaaco magaalada waxaa sahlan si deg deg ah uu ugu dhex fido bulshada sababtoo dadku badidood waxa ay biyo ka cabaan ceelal laga yaabo in aysan nadiif aheyn.

Buuraha duleedka koofureed ee magaalada Balad-xaawo ku yaal ayaa biyaha kusoo roga deegaanka. Dhowr jeer oo hore dadka degmada Balad-xaawo waxa ay codsadeen in laga caawiyo dhismaha kanaallo biyaha ka leexiya magaalada, welise laguma guuleysan in kanaallo noocaas ah la dhiso.

Maxamed Macallin Aadan/MR

Previous Post

MAXAABIIS LAGA WEWELSAN YAHAY INEY XABSIGA UGU DHINTAAN MACLUUL.

Next Post

Daadad wasaqeeyay ilaha biyaha ee degmada jarriiban

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Daadad wasaqeeyay ilaha biyaha ee degmada jarriiban

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo