Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Daadad wasaqeeyay ilaha biyaha ee degmada jarriiban

Radio Ergo by Radio Ergo
November 26, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankRoobabka duufaanta watay ee ka da’ay deegaannada xeebta ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa biyo wasaqeysan ku shubay il biyoodyada degmada Jarriiban ee gobolka Mudug.

Maxamud Abshir oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in daadadka oo qasin iyo wasaq badan wata ay ku shubmeen ceel biyoodka ugu weyn degmada Jarriiban oo ay aad u isticmaalan dadka iyo xoolahaba.  Ilo biyoodyo kale o ku yaal duleedka magaalada ayaa sidoo kale roobabku biyo wasaqeysan dhigeen.

“Biyaha wasaqeysan magaalada oo dhan bay xireen, oo meel walba bay yaallaan, waxaana jira astaamo muujinaya caafimaad darro,”  ayuu yiri Maxamuud oo la hadlay weriye ka tirsan raadiyo Ergo oo booqday degmada.

Maxamuud wuxuu intaa ku daray in dadka deegaanku halis ugu jirraan cudurrada ka dhasha biyaha iyo nadaafad darrida deegaanka ee ay ka mid yihiin shubanka iyo duumada.

Si kastaba, howl-wadeen caafimaad oo horey uga tirsanaa isbitaalka degmada oo la yiraa Cabdulaahi Cali ayaa raadiyo Ergo u sheegay in labadaas cudurba ay horey uga dillaaceen degmada oo ay jiraan bukaano dhowr ah oo la il-daran. Carruur ayey u badan yihiin bukaanada ay duumada iyo shubanku soo riteen.

Laakiin Cabdullaahi wuxuu nasiib-darro ku sheegay in dadka buka aysan magaalada ka heli Karin daawada ay u baahan yihiin sababtoo ah isbitaalka magaalada ayaa u xiran daawo la’aan.

Isbitaalka degmada oo ay bulshada deegaanka dib u fureen sanadkii hore ayaa xirmay kadib markii la waayay dhaqaale iyo daawooyin lagu socod-siiyo howsha. Cabdullaahi wuxuu sheegay in xitaa howl-wadeennada caafimaad ee sida tabarrucaada ah uga howl-geliyay isbitaalka ay isaga tageen kadib markii ay waayeen daawooyin bukaanada la siiyo.

Burhan/MR/MRS

Previous Post

Shuban iyo duumo laga cabsi qabo in ay ka dilaacaan beledxaawo

Next Post

Ololaha tallaalka dabeysha oo si habsami leh uga socda gobolka bay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Ololaha tallaalka dabeysha oo si habsami leh uga socda gobolka bay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo