Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Ololaha tallaalka dabeysha oo si habsami leh uga socda gobolka bay

Radio Ergo by Radio Ergo
November 27, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank75,OOO oo carruur ah oo gobolka Bay laga tallaalay cudurka dabeysha

Ololaha tallaalka cudurka dabeysha ayaa si habsami leh uga socda deegaanno ka titsan gobolka Bay, Iyadoo magaalada xarunta u ah gobolka ee Baydhabana ay ka mid tahay meelihii laga helay cudurka dabeysha.

Degmooyinka ay ka midka yihiin Qansax-dheere, Buur-hakaba, Bardaale iyo magaalada Baydhabo ayaa waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka socdey olole lagu wacyi gelinayo dadka ku dhaqan degmooyinkaas inay is tallaalaan isla markaana carruurtooda ay tallaalaan.

Macallin Cali oo ka mid ah waalidiinta ku nool magaalada Baydhabo ayaa sheegay iney si wacan ula socdaan warbixinnada shaqaalaha caafimaadka ee ku saabsan halista cudurka dabeysha, isla markaana uu qaatay talooyinkooda uuna tallaalay carruurtiisoo dhan.

“Mar haddii uu carruurta haleelo waxba lagama qaban karo, balse maaddaama uu ka hortag leeyahay ayaan carruurteyda tallaalay, mana uga baqayo inay iga naafoobaan.” Ayuu yiri Macallin Cali.

Waxaa jira dad ka imaanaya tuulooyinka aan tallaalku gaarin oo carruurtooda, kaidb markii ay soo fahmeen faa`iidada uu leeyahay amaba ay arkeen khatarta uu carruurta ku yahay. Maxamed Sheikh Cali wuxuu la kulmay wiil yar oo ay qaraabo yihiin oo baaddiyaha degmada Qansax-dheere ku naafoobay, loogana shakiyay inuu haleeyay cudurka dabeysha, kaddibna inta gaari kusoo qaaday ula soo cararay dhanka magaalada Baydhabo, si wax looga qabto.

“Wiilka yar wuxuu naafo ka noqday gacan iyo lug, WHO ayaa saxaro ka qaadday sidaa ayaa lagu ogaaday inay dabeysha haleeshay wiilkaas” Ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay inuu sidoo kale maqlay carruur loo maleynayo inay dabeysha naafeysay, balse dadka baadiyaha jooga badankooda ay ku adagtahay inay carruurtooda tallaal ugu soo qaadaan magaalooyinka iyo degmooyinka uu ka socdo ololaha.

“Intii aan joogay tuulooyinka aan ka keenay wiilkaas waxaa la ii sheegay in wiilal kale ay jiraan oo lugaha iyo gacamaha beeley, dadkiina waa kuwo reer miyi ah, aqoon uma lahan waxaas carruurta saas yeelayo, sababtoo ah tallaalka ma gaaro tuulooyinka fog fog”.

Sarkaal ka tirsan qeybta kormeerka tallaalka gobolka Bay ee hay`adda caafimaadka QM WHO oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in tan iyo intii tallaalka laga bilaabay gobolka Bay lagu tallaalay carruur ka badan 75,000 magaalooyinka Baydhabo, Buurhakaba, Qansaxdheere iyo Berdaale, balse aan sababo ammaan iyo waddooyinka oo roobab ay jareen dartood loo gaari waayay deegaannada kale ee gobolkaas.

Muxyadiin Xasan Maxamed/FM /MRS

Previous Post

Daadad wasaqeeyay ilaha biyaha ee degmada jarriiban

Next Post

Gobollada Dhexe: Xuseen Xaaji Buulle; Cudurkan HIV/AIDS bulshaduna kuma baraarugsana

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Gobollada Dhexe: Xuseen Xaaji Buulle; Cudurkan HIV/AIDS bulshaduna kuma baraarugsana

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo