
Hay’ado ka socda Qaramadda Midoobay ayaa booqday Oktoobar 27keedii 2013 xeryahaas barakaca ee Burco, 600 oo qoys ayaa xeryahaan ku jira kuwaasoo ka soo barakacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna ka mid yihiin 26000 oo qof oo ku barakacsan gobola Togdheer guud ahaan. Afhayeenka OCHA Cabdi Yusuf Nuur ayaa Ergo u sheegay inay indhahooda ku arkeen duruufahay qabaan dadkaani, iyadoo caqabadda ugu weyn ee in dadkaan la caawiyo haysata tahay dhulka ay deggan yihiin oo ay leeyihiin dad gaar ahi, taasina waa dhibaato ayuu yiri Cabdinuur. “waxaanan isku dayeynay dhul madax banana oo dawladdu bixiso inaan u helno si looga dhiso musqullo, dugisyo wax barasho iyo goobo adeegga guud ah.
Guddoomiyaha kaamka 15 May Burco oo ka hadlay waxa ayka cabanayaa ayaa yiri magacaygu waa Ibraahin Soomaw Daryeel ma qabno hoy ma qabno cunno ma haysano wax kaliya ee aan haysannaa waa nabadgelyo, haweenka ayaa u tuugsi taga magalada oo badanaaba soo qaraaba wixii qoysku cuni lahaa
Hooyo ka mida dadka halkan ku nool ayaa iyadana tiri ” Magacaygu waa Maryan Aadan Cabdi halkan waa isaga dhibaataysanahay waan tuugsanaa wax shaqo oo aan qabanno ma haysanno, musqulaha ayaana noogu daran, waana waxyalaha nagu haya saxa xumida ee ugu daran.
Afhayeenka OCHA Cabdi Yusuf ayaa sheegay isagu inay kala shaqaynayaan hay’addaha qaabilsan caafimadka sidii intaan dhul iyagu leeyihiin la helayo ka hor ay gaarsinayaan adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan biyaha, caafimaadka iyo in la soo kobo dhamaan baahiyaha meesha ka jira, warbixinna laga sameeyo kadibna qorshe la degsado oo si degdeg ah wax loo qabto barakacyaasha ku nool Burco.
Sidiq/MRS









