Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

ROOBAB KA DA`AY BUURALAYDA SANAAG IYO BARI OO XANNIBAY ISU SOCODKA GAADIIDKA IYO DADKA

Radio Ergo by Radio Ergo
October 7, 2013
in Masiibooyinka
0
ROOBAB KA DA`AY BUURALAYDA SANAAG IYO BARI OO XANNIBAY ISU SOCODKA GAADIIDKA IYO DADKA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankTogagga waaweyn ee Dur-dur iyo Buuraan oo jihooyinka bari iyo koonfur ka xiga degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa u xirmay dhowr jeer daadad xoog leh 72kii saac ee ina dhaaftay, xilligaasoo roobabka xilliga dayrta ay ka de’een Carmo iyo deegaannada buuralleyda ah ee gobolka Sanaag oo biyo-dhac ku soo sameeya togagga gobolka Bari.

“Qolyaha maamulka ayaa gaadiidka celinaya hadda, laba baabuur oo kuwa jaadka ah ayaa galay togga mid wuu la tagay, midna wuxuu ku jiraa biyaha dhexdooda, balse dadkii labada baabuur saarnaa booliska Carmo ayaa badbaadiyey” ayuu yiri Cabdiraxmaan cali oo gaadiidleyda ka mid ah oo aan la xiriirnay isagoo ku sugan togga Buraan ee koofurta Carmo.

Gaadiidka faraha badan oo maamulka degmada ay ku sheegeen ilaa 420 baabuur oo sida xoolo ay ka soo qaadeen dhulka Soomaalida Itoobiya, koonfurta dalka, gobollada dhexe iyo Puntland ayaa qayb ka ah gaadiidka socodkoodu hakadka galay, waxaa kaloo ku jira gaadiidkaas kuwo rakaab siday iyo kuwo adeegyo kala duwan u waday gobollada dalka oo ka soo baxay magaalada dekedda ah ee Boosaaso.

“Aniga xoolo ayaan sidaa, waxaan ka imid deegaanka Shillaabo ee dalka Itoobiya, waxaa gaariga saaran 353 neef oo Ari ah, saaka ayaa la rabay inaan rogno balse weli waxaan ku xanibannahay Carmo oo biyaha lama dhaafi karo.” Ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Sayladaha xoolaha loo dhoofiyo dibbadda ee Boosaaso ayaa xilligan Carafadu dhowdahay mashquul ah, ganacsatada xoolaha ayaa walaac ka muujiyay jidadka aan wanaagsanayn ee gobollada qaarkood, gaar ahaan kan degmada Carmo oo ah mid halis badan xilliyada roobabka inay khatar ku noqdaan dhaqdhaqaaqii iyo suuqii xoolaha la dhoofiyo.

Axmed Muuse oo xubin ka ah ganacsatada waaweyn ee xoolaha dhoofiya ee Boosaaso ayaa Ergo u sheegay “Baabuurta xoolaha sida waxay ku ballansan yihiin xilli go’an inay keenaan xoolaha magaalada, sidaas ayaa annaga waxaan ula ballansannahay maraakiibta xoolaha dibadda u qaada, waxaa ku imaanaya dacfi iyo qiimo dhac neefka iibka ah haddii uusan helin cows iyo baaris caafimaad, waxaa laga yaabaa xitaa in loo waayo cid iibsata, ama in la helo cid qiimo jaban ku qaadata.”

Gaadiidleyda ayaa ka dalbaday maamulka iyo hay’adaha ka shaqeeya jidadka in wax laga qabto arrintan soo noq noqota ee togagga Buuraan iyo Dur-dur ee ku dhow degmada Carmo ee gobolka Bari, waxaa sabab looga dhigay isu socodka xirmaya buundooyin la’aan, sidaas waxaa noo sheegay maamulka degmada iyo darawallada baabuurta wata.

“Togga Dur-dur waa mid wayn marbaa 5 ilaa 6 maalmood baabuurtu ag-joogaan biyaha maraya oo badan darteed, dhowr jeer ayey horay u dhacday arrintan oo kale, markasta oo xilli roobaad ah waa la filan karaa, boolisku dhib badan ayey kala kulmaan ilaalinta gaadiidka iyo in baabuurta laga celiyo khatarta.” Ayuu yiri Yuusuf Cabdi taliyaha booliska Carmo oo Ergo la hadlay.

Gaadiidleyda waxaa rajo gelinaya hadda cagafyo waawayn oo ay maamulku ka soo qaadeen Boosaaso, kuwaasoo lagu furayo meel ay baabuurtu maraan oo toggaga ka mid ah, “ Cagafyo in la dhigo magaalada waan dalbannay dhowr jeer balse kama suurta gelin dhinaca dowladda, arrintaas haddii la helo degdeg ayaa loo caawin lahaa gaadiidka iyo isu socodka.” Ayuu yiri duqa degmada Carmo Ibraahim Shire.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM/MH

Previous Post

BARAKACAYAASHA KU NOOL EX CONTROL OO DHIBAATO KU QABA GAADIIDKA ISTICMAALA WADDADAAS

Next Post

QIIMAHA MIRAHA KA SOO BAXA BEERAHA SOOMAALIYA

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

QIIMAHA MIRAHA KA SOO BAXA BEERAHA SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo