
Cabdulqaadir Maxamed Cali oo madax ka ah urur dhallinyaro oo la yiraa Dhalinyarrada Isbadel-doonka Soomaaliyeed, loona soo gaabiyo DHISO ayaa Raadiyaha Ergo u sheegay iney Muqdisho oo keliya ay ka hirgeliyeen shan xarumood oo wax lagu baro dadka abaaraha iyo colaadaha dalka isaga dambeeyay ay deegaanadooda kasoo barakiciyeen. Qaar ka mid ah shantaas xarumood waxaa laga dhex furay xerooyinka ay ku nool yihiin dadka soo barakacay ee Muqdisho ku yaal oo teendhooyinka dugsi ahaan loo isticmaalo la dhex dhigay.
Cabdulqaadir Maxamed Cali wuxuu intaa ku daray in 9 xarumood oo kale oo iyana bixiya waxbarasho lacag la`aanah ay ku leeyihiin gobollada Shabeellada Hoose, Shabeelada Dhexe, Bay, Bakool, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
1500 oo qof oo da’doodu u dhaxeyso shan ilaa lixdan sano ayaa ka faa’’iideysta adeegga waxbarashada lacag la`aanta ah ee ay bixiyaan dhallinyarada DHISO. CaRruurta ayaa la siiyan waxbarasho aas-aasi ah oo isugu jirta dugsiga hoose, dhexe ilaa sare. Dadka waa weyn ayaa iyana la siiyaa waxbarasho gaar ah oo loogu talo-galay dadka da’dii dugsiyada dhaafay.
Dhallinyaradan ayaa isugu jira hablo iyo wiilal gudaha dalka iyo dibadda wax ku bartay ayaa maalmaha khamiista iyo Jicmaha bixiya wax barasho gaar ah oo loogu talogalay xoogsatada maalmaha kale shaqeysta ee aan awoodin iney bixiyaan kharashaadka dugsiyada dalka, amaba aanan heli karin dugsiyo furan maalmaha fasaxa.
Cabdifitaax Cabdulaahi Cumar oo ku magac dheer Dhoodaan oo xubinna ka ah ururka DHISO wuxuu sheegay in adeegyada waxbarasho ee lacag la`anta ah ee ay siinayaan dadka soo barakacay iyo danyarta Soomaaliyeed ee qeyb ka tahay dadaal lagu doonayo in dhallinyaradu buuxiyaan kaalinta bannaan ee ah waxbarashada lacag la’aanta ee dowladdu bixin jirtay.
Cabdulqadir Cabdulle/MR/AM










