Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaasha Ceelwaaq oo codsanaya gargaar

admin by admin
April 25, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBarakacayaasha ku jira xeryaha barakaca ee duleedka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya inay qabaan baahiyo ay ka mid yihiin cunnada, hoyga iyo caafimaadka, iyadoo roobabkii Guga ee ka da`ay gobolka ay saameeyeen buushahka ay deggan yihiin.

Xerooyinka Baantuu 1, Baantuu 2, Qoryooley, Ceel shama iyo Kaam Buusaar oo dhammaantood ku yaalla duleedka Ceelwaaq waxaa ku jira 1,280 qoys oo markoodii hore abaaro iyo colaado ay kasoo barakaciyiin gudaha Gedo, gobollada Bay iyo Jubbada Dhexe, sida ay sheegeen guddiga 5tan xero.

Muumina Cali, waa hooyo leh 5 carruur ah waxayna ku nooshahay xerada Baantuu 1, waxay kasoo barakacday gobolka Bay ee deriska al ah Gedo, kana mid ahaa gobollada ay sida ba`ad ugu dhufteen abaarihii dalka ee sanadkii 2011kii, Raadio Ergo ayaa ku booqday buush yar oo ay biyo dhex ceegaageen oo iyada iyo carruurteeda ay ku nool yihiin, waxayna sheegtay “Markaan joognay Bay xoolo ayaan lahayn oo aan nacfi ka heli jirnay, abaarihii ayay xoolaha dhammaan iiga le`deen, hadda halkaan ayaan soo miciin bidnay aniga iyo qoyskeyga si aan nolol u helno.” Ayay tiri.

Cabdiweli Maxamed Xirsi oo ah horjoogaha xerada Baantuu 1 ayaa Ergo u sheegay “Guryaha aan degannahay waxay ka sameysan yihiin baco, baakado iyo maryo aan celineynin biyaha roobka iyo dhaxanta, sidoo kale biyaha oo dhex ceegaaga gudaha xeryahana waxay sababtay in cudurrada faafa sida shuban biyoodka ay ka dillaacan gudaha xeryaha, marka waxaan samafalayaasha ka codsaneynaa inay wax ka qabtaan baahiyaheenna.” Ayuu yiri Cabdiweli.

Barakacayaashan ayaa ku tiirsan gargaarka hay`adaha samafalka, balse haatan waxaa adag gaaridda dadkan, sababo la xiriira roobabka da`aya oo gooyay waddooyinka muhiimka ah ee gobolka Gedo, sida uu Cabdiweli sheegay.

Axmed Cumar Saalixi/FM/AM

Previous Post

Tallaal shaneysan oo markii ugu horreysay laga billaabayo Soomaaliya

Next Post

QIIMAHA XOOLAHA TODDOBAADKAN IYO QEYBO KA MID AH DALKA

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

QIIMAHA XOOLAHA TODDOBAADKAN IYO QEYBO KA MID AH DALKA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2026

IDAACADDA 10-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2026
September 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo