Xeryaha barakaca magaalada Kismaayo waxaa ku jira boqollaal barakacayaal ah oo duruufaha dhinaca nolosha ay ku qasbeen inay deegaannadoodii ka soo barakacaan.
Barakcayaashan ayaa haatan cabasho ka muujinaya sicir bararka nolosha iyo adeegyada aasaasiga ah ee ay nolosha ugu baahan yihiin, oo aan ka jirin xeryaha ay ku nool yihiin.
Xerada Badar ee magaalada Kismaayo, waxaa ku jira ilaa boqol qoys oo barakacayaal ah, waxaana durbaba markii aad booqatid kuu muuqanaya duruufaha iyo xaaladaha adag ee dhanka nolosha ah ee ka taagan xeradaas.
Sida ay kuu sheegayaan dadka baracayaasha ah, xerada waxaa ka jira dhibaatooyin dhinaca cuntada laga helo nafaqada, adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, hoyga, iyo waliba fayadhawrka, waxaana ay arrimahaas oo is biirsaday ay saameyn xooggan ku yeesheen nolosha dadka barakacayaasha ah.
Inkastoo ay jirtay rajo ay qabeen dadka barakacayaasha ah oo ku aaddan inay heli doonaan gargaar kadib markii gacan ku haynta magaalada ay is beddeshay, balse taasi wax badan kama baddelin rajadii ay qabeen.
Qaasim Baraka Nasiib waa guddoomiyaha xerada Badar ee magaalada Kismaayo, wuxuuna idaacadda Ergo u sheegay in nafaqo darrada carruurta ay ka mid tahay waxyaabaha dhibaatada ba`an ku haya carruurta yar yare e xeradaas ku jirta.
Kasokow gargaar yaraanta iyo arrimaha kale oo ay ka cabayaan dadka barakacayaasha, waxaa sidoo kale saamayn ku yeeshay sarrifka lacagta doollarka oo uu hoos u dhac xooggan ku yimid, tanoo keentay in ganacsatada magaalada Kismaayo ay qaaliyeeyaan qiimaha raashiinka.
Haweeney ka mid ah dadka barakacayaasha ayaa idaacadda Ergo u sheegtay in halkii markii hore ay nolosha qoyskeeda ku dabooli jirtay lacag dhan 15,000 oo shilinka Soomaaliga ah, aysan haatan lacagtaas u goynaynin wax qoyskeeda ku filan xitaa hal gelin.
Barakacayaasha magaalada Kismaayo ayaa haatan ku tiirsan gargaar cunno bisil ah oo ay ugu deeqday hay`adda WFP, kaasoo ay hay`adda gargaarka ee IRDA maalin kasta u qeybiso boqollaal qoys, inkastoo uusan gargaarkaas ahayn mid noloshooda ku filan sida ay ii sheegeen qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah.
Khadar Maxamuud Xareed/MG/FM