
Dhaqaatiirta deegaanka waxay ku micneeyeen haweenka oo aan helin daryeelkii caafimaad ay u baahnaayeen, waxay u dhintaan dhiig bax, dhiigga oo ku kaca, kalamsiyo iyo cudurro kale oo si deg deg ah ugu soo booda haweenka xilliyada ay dhalayaan.
Raxmo Xuseen Aadan Cabdi oo ka mid ah haweenka umulosooyinka oo ka howlgasha MCH ururka HIRDA ay ku leedahay degmada Baardheere oo la hadlaysay Ergo ayaa sheegtay toddobaadkii ugu dambeeyay oo keliya dhibaatooyin la xiriira dhinaca dhalmada inay magaalada Baardheere iyo tuulada Ceel-cillaan ugu geeriyoodeen haween gaaraya 7, halka ilaa 2 carruur ahna dhalmada kadib ay dhinteen, iyadoo intaasina ku dartay in heerka dhimashada haweenka u dhinta xagga dhalmada inay tahay tiradii ugu badneyd ee soo martay sanadahaan.
Tuullooyinka Likooley, Cawsquran iyo Daabley oo ka kala tirsan degmooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarrey ayaa wararka laga helayo tuulooyinkaasi waxay sheegayaan in xanuunno la xiriira xagga dhalmada inay ugu geeriyoodeen iyadana toddobo haween ahi, iyadoo tuulooyinkaasina gebi ahaanba aysan ka jirin wax adeeg caafimaad ah oo lagu daryeelo bukaannada sida uu Ergo u sheegay Sheekh Maxamed Deerow oo ah guddoomiyaha tuulada Daabley oo ka tirsan Garbaharrey.
Dr .Maxamed Axmed oo ka mid ah dhaqaatiirta caafimaadka ee gobolka Gedo oo aan wax ka weydiinney dhibaatooyinka keeni kara inay haweenka marka ay dhalayaan ay la kulmaan dhibaatooyinka la xiriira xagga dhalmada ayaa wuxuu sheegay in haweenka uurka leh ay la kulmaan dhiig yaraan, cudurrada keena infakshanka iyo gabdhaha ugubka ah oo dhaqan ahaan habka fircooniga u gudan markay dhalayaanna dhibaato la kulm,a haddeysan helin adeeg caafimaad, isagoo dhinaca kalena sheegay inaysan jirin meelo haweenka looga umuliyo.
Dhibaatooyinka kale ee ay la kulmaan haweenka uurka leh xilliyada ay dhalayaan ayay dhaqaatiirta gobolka waxay ku sheegeen inay la xiriirto adeegyada caafimaadka u gaarka ah dhalmada haweenka oo aad u liita iyo iyagoo mararka qaar gurmad caafimaad ahaan aanan loogu qaadi karin meelo ka baxsan magaalooyinka, waddooyinka oo bur bursan iyo colaadaha ka jira gobolka aawadood, arrimahaasi oo is biirsaday ayaa waxay keeneen kororka tirada haweenka la liita xaaladaha ka dhashey xagga dhalmada.
Salixi/MH/FM








