Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Shuban-biyood ku faafaya baydhabo iyo tuulooyinka u dhow

Radio Ergo by Radio Ergo
February 2, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank(ERGO) – Isbitaalka magaalada Baydhabo waxaa jiifa oo shuban-biyood looga daweynayaa 57 qof oo 34 ka tirsan ay carruur yihiin, kuwaas oo uu cudurka soo ritay toddobaadkan, sida uu sheegay Dr Cabdullaahi Yuusuf Bashiir oo ah madaxa dhaqaatiirta ee isbitaalka. Cudurkan ayaa tan iyo dhammaadkii bishii Diseembar ee sanadkii hore ku faafaya xaafadaha magaalada Baydhabo iyo tuulooyinka u dhow ee gobolka Bay.

“Bukaannada waxaan u sameynay teendhooyin aan seexinno, halkaas oo aan kula tacaalno, kuna siinno falmeembooyin iyo fuuq-celiyeyaal,” ayuu yiri dhaqtarka. Wuxuu intaa ku daray in shubanka ay dadka ku arkeen uu yahay mid biyo ah oo jaalle uu ku jiro.

Cudurka ayuu u sababeeyay biyaha ay dadka cabaan oo aan nadaafad ahaan wanaagsaneyn, taas oo ay ugu wacan tahay ceelasha oo biyo-yareeyay roob la’aanta darteed, isla markaana biyaha matoorrada looga soo saarayo ay yihiin kuwo wasaq ah oo u baahan in la daweeyo ka hor inta aan la cabin.

Salaad Xaaji Cabdi oo ah aabbe 41 jir ah wuxuu maalintii saddexaad isbitaalka kula jiraa wiil uu dhalay oo toddobo sano jir ah, kaas oo uu ka keenay xaafadda Cadaadda ee Baydhabo. Wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay isla habeenkii uu wiilkiisa ku arkay shuban iyo matag aan kala joogsi lahayn inuu ula soo degdegay isbitaalka. “Sidii ay xaaladdiisa ahayd markii aan arkay isma lahayn way soo hagaagi doontaa, balse markii maalmahan faleembooyin lagu suray wuu soo roonaaday, hadda wuuba hadli karaa,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay tan iyo markii ay bil ka hor go’day tubbo gurigooda ku jirtay oo biyaha ka soo qaadeysay ceel xaafaddooda ku yaalla ay billaabeen in ay cabaan biyo dhanaan oo gaari-dameer uu uga soo dhaamiyo ceel u jira 2 km. Qoyska oo xoolo-dhaqato ah waxaa fuustadii laga siiyaa 60,000 oo shilin Soomaali ah ($2).

Dr Cabdullaahi ayaa xusay in markii ay arkeen dhibaatada biyaha ka taagan iyo sida ay u soo badanayaan kiisaska shubanka ay Talaadadii billaabeen olole ay dawooyin ugu shubayaan meelaha ay dadka biyaha ku keydsadaan iyo ilo-biyoodyada kale. “Waxaa iska kaashanaya isbitaalka iyo wasaaradda caafimaadka ee gobolka,” ayuu yiri.

“Hooyadey iyada oo waayeel ahayd ayaa markii uu shubanka ku dhacay waxay noqotay qof aad u baaba’ay oo caato ah,” ayay Raadiyo Ergo u sheegtay Xaawo Xuseen Axmed oo 38 jir ah. Xaawo oo deggan Baydhabo, markii ay maqashay xanuunka hooyadeed waxay kireysatay bajaaj si ay uga soo qaaddo tuulada Aweys Garwaal oo magaalada u jirta 9 km.

Bukaannada isbitaalka ku jira ayaa qeyb ka ah 147 qof oo 90 ay ahaayeen carruur ay da’dooda ka yar tahay shan sano oo toddobaadkan oo keliya isbitaalka la soo gaarsiiyay, sida uu noo xaqiijiyay dhaqtarka. Dadkan oo qaarkood laga keenay tuulooyinka ayaa laga saaray isbitaalka markii ay caafimaadeen.

Previous Post

FAO: CUNTO YARAANTA KA JIRTEY SOOMAALIYA OO HOOS U DHACDAY IYO XADDIGA NAFAQA DARRI OO KORREEYA

Next Post

BEERALEYDA BAARDHEERE OO DALAG WANAAGSAN GOOSTAY

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

BEERALEYDA BAARDHEERE OO DALAG WANAAGSAN GOOSTAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo