
Maryamo Cismaan oo wax ka ilaalisa keydkaas suntan ayaxa ayaa sheegtay in salaadda subax marka ay tahay ay arkaan wax aad ciiriyaamo mooddo oo dabaysha raacaya.
Guddoomiyaha xaafadda Maxamed Cilmi oo ka mid ah ayaa laf ahaantiisu noo sheegay inuu ka mid yahay dadka xanuunnadu ay ka soo gaareen dhibaatada suntaas, isagoo sheegay in uu la cabbursan yahay saamayn uu u malaynayo inay tahay suntaas, Maxamed waxaa kale oo uu sheegay in aysan ku dhiirran inay salaadda subax masaajidda aadaan iyaga oo ka cabsi qaba dhibaatda suntaas oo xilliga subaxa hore ah aad dareemayso.
Suntan ayaa ah dareerre , waxaana meesha la keenay laba waqti oo kala ahaa xilligii ay jirtay dawladii dhexe ee Soomaaliya iyo xilligii xukuumaddii madaxwayne Daahir Riyaale, waxaana ay ku jirtaa fuustooyin, iyadoo dadka deegaankuna ay inoo sheegeen in qaar ka mid ah foostooyinka ay ka daadatay.
Agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda caafimaadka Cali Sheekh Cumar ayaa Ergo u sheegay inoo sheegay in suntaani cidkastoo xafadaas deggan ay halis ku tahay, wuxuuna sheegay in laf ahaantoodu dareemaan markay tagaan goobtaas madax xanuun iyo lalabo ama yalaalugo.
Agaasime Cali ayaa sheegay in halista ay suntani ku hayso dadka xaafadda ay ka daran tahay midda ay ku hayso dadka cabba biyaha dooxyadu qaadaan ee xitaa magaalada ka baxsan, waxaana sidoo kale Dr Cabdifitaax noo sheegay inay leedahay saamayn caafimaad oo ay ka mid tahay kansar iyo haweenka oo ay ilmaha ka soo ridi karto, isagoona intaas ku daray inay ku tala jiraan habkii loo burburin lahaa sida ugu dhaqsaha badan.
Xarruntaan suntan Ayaxa ee Hargeysa ayaa ahayd xarunta guud ee geeska Afrika ee mashruucii la dagaallanka ayax, taasoo shaqadeedu ugu dambaysay sanadkii 1988kii.
Waxaa xusid mudan in suntan markii dib loo keenay sanadii 2008dii ay ku geeriyoodeen laba qof oo ka mid ahaa shaqaalihii meesha ilaalinayay.








