Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kufsi ba’an iyo ammandarro isu kaashaday Dhadhaab

Radio Ergo by Radio Ergo
January 10, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dadka dib ugu laabanaya Dhadhaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBanaanbax nabadeed oo haweenka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayey isugu soo baxeen xerada qaxootiga ee IFO 2, iyagoona ka cabanaya dhibaatooyinka dhinaca amaanka, gaar ahaan kooxo hubaysan oo habeenkii u geysta xerayahaas dhac, kufsi iyo boob kale.

Haweenay waayeel ah oo ilmaynaysa kana mid ahayd dadkii isu soo baxay ayaa tiri “Waxaan isugu nimid inaan muujinno dhibaato na haysata, guud ahaan qaxootiga, naagtii uurka lahayd ayaa la xoogayaa, tii umusha ahayd ayaa la xoogayaa, ilmihii yar-yaraa ayaa la kufsanayaa, horay ayaan banaanka u bixi jirin haddana guryihii ayaa naloogu soo galay”

Haweenkaan ayaa codsaday in gargaar degdeg ah la soo gaarsiiyo, gaar ahaan dawladda Kenya iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayey waydiisteen inay ammaanka ay soo doonteen aysan helin, ayna door bidayaan in dib loogu celiyo dalkoodii.

Ibrahim Samaan Maxamed oo isna ahaa oday ka qayb qaadanayey kuna nool xerada IFO2 bananbaxaas ayaa sheegay in xeryuhu yihiin goob amaankoodu meel khatara marayo, dhibaato badan ayaa ku dhacaysa qaxootiga, waxaa dhacaya kufsi xad dhaaf ah, lix jirkii ayaa la kufsanayaa, haweenkii waayeelka ahaa ayaa iyana la kufsanayaa.

Haweenay umul ahayd oo ka mid ahayd kuwa kufsiga loo geystay ayaana u dhimatay falkaas ka dib markii ay faraxumeeyeen rag ka badan toban nin, Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in dawladda Kenya ay magan u yihiin, aysanna deganaan karin goobtaas loona raro goob ka ammaan roon.

Todobaadkaan keliya ayaa wararka ka imanaya xerada IFO 2 sheegayaan in 15 haween ah oo da’doodu kala gedisan tahay lagu kufsaday xeradaas siduu Ergo u sheegay Yuusuf Faarax oo ah madaxa xeradaas, waxaana dhaca geysanaya dad hubaysan oo fara badan oo markay tahay maqribkii ku soo qamaamaya xerada, waxaan kufsi ahaynna geysan maayaan.

MH/FL/AM

Previous Post

SAAMAYNTA CUNNOOYINKA IYO DAAWOOYINKA DHACAY

Next Post

GAROONKA DIYAARADAHA KISMAAYO OO DIB U HAWLAGALAY

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
GAROONKA DIYAARADAHA KISMAAYO OO DIB U HAWLAGALAY

GAROONKA DIYAARADAHA KISMAAYO OO DIB U HAWLAGALAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo