Banaanbax nabadeed oo haweenka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayey isugu soo baxeen xerada qaxootiga ee IFO 2, iyagoona ka cabanaya dhibaatooyinka dhinaca amaanka, gaar ahaan kooxo hubaysan oo habeenkii u geysta xerayahaas dhac, kufsi iyo boob kale.
Haweenay waayeel ah oo ilmaynaysa kana mid ahayd dadkii isu soo baxay ayaa tiri “Waxaan isugu nimid inaan muujinno dhibaato na haysata, guud ahaan qaxootiga, naagtii uurka lahayd ayaa la xoogayaa, tii umusha ahayd ayaa la xoogayaa, ilmihii yar-yaraa ayaa la kufsanayaa, horay ayaan banaanka u bixi jirin haddana guryihii ayaa naloogu soo galay”
Haweenkaan ayaa codsaday in gargaar degdeg ah la soo gaarsiiyo, gaar ahaan dawladda Kenya iyo hay’adda qaxootiga ee UNHCR ayey waydiisteen inay ammaanka ay soo doonteen aysan helin, ayna door bidayaan in dib loogu celiyo dalkoodii.
Ibrahim Samaan Maxamed oo isna ahaa oday ka qayb qaadanayey kuna nool xerada IFO2 bananbaxaas ayaa sheegay in xeryuhu yihiin goob amaankoodu meel khatara marayo, dhibaato badan ayaa ku dhacaysa qaxootiga, waxaa dhacaya kufsi xad dhaaf ah, lix jirkii ayaa la kufsanayaa, haweenkii waayeelka ahaa ayaa iyana la kufsanayaa.
Haweenay umul ahayd oo ka mid ahayd kuwa kufsiga loo geystay ayaana u dhimatay falkaas ka dib markii ay faraxumeeyeen rag ka badan toban nin, Wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in dawladda Kenya ay magan u yihiin, aysanna deganaan karin goobtaas loona raro goob ka ammaan roon.
Todobaadkaan keliya ayaa wararka ka imanaya xerada IFO 2 sheegayaan in 15 haween ah oo da’doodu kala gedisan tahay lagu kufsaday xeradaas siduu Ergo u sheegay Yuusuf Faarax oo ah madaxa xeradaas, waxaana dhaca geysanaya dad hubaysan oo fara badan oo markay tahay maqribkii ku soo qamaamaya xerada, waxaan kufsi ahaynna geysan maayaan.
MH/FL/AM