Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

DADKA XANUUNKA DHIMIRIKA QABA EE BUUHOODLE OO HELAY DAAWEYN

Radio Ergo by Radio Ergo
January 15, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHowlo baaritaan iyo daaweyn ah oo loo fidinayo dadka ka xanuunsanaya dhimirka ayaa ka soconaya degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Daaweyntan tabarucaadda ah ayaa waxaa iska kaashaday xarun caafimaad oo ku taalla degmada Buuhoodle iyo takhtarka caanka ah ee dhimirka Dr. Cabdicasiis Xabeeb oo ka socday isbitaalka dhimirka oo ku yaalla magaalada  Muqdisho.

Qeybaha bulshada Buuhoodle sida dhallinyarada, aqoonyahannada, haweenka iyo ehellada dadka dhimirka ka jirin ee lagu wado inay ka faaíidaystaan daaweyntaas bilaashka ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay baaritaannadaas caafimaad.

Dr. Xabeeb oo isagu ah takhtarka fulinaya howlahan ayaa sheegay in muddo dheer la dayacay dadka dhimirka ku xanuunsanaya ee Buuhoodle, isagoo sheegay in dadkii uu qaabilay ay isugu jireen dad xittaa waayay daryeelkii aasaasiga ahaa.

Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa ka jirtay xarunta ay dadka dhimirka ka xanuunsanaya ka heli jireen jiif iyo wax xoogaa daryeel ah balse ay goobtaas iska xirantay sababo la xiriira dhaqaale laáan.

Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO  ayaa ugu baaqaysa in la soo afjaro takoorka iyo  bahdilka iyo waxyaalaha kale ee maskaxda wax u dhima lagunala kaco dadka dhimirka ka buka, taas bedelkeedna la siiyo daaweyn wanaagsan. Warbixin ay WHO ugu tala gashay maalinta 10ka Oktoobar lana xuso maalinta dadka dhimirka ka buka ayey ku talisay in joojinta takoorku tahay qodob muhiim u ah daaweynta dadka dhimirka ka buka.

Daaweyntan loo fidinayo dadka dhimirka ka xanuunsanaya ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli dadka xanuunadaas qaba ay aad ugu soo badanayeen magaalada Buuhdoole, iyagoo u baahan dawweyn, waxaana xanuunadaas inay soo bataan lala xiriiriyaa maandooriyayaasha, dagaallada oo dadka dhaxsiiyay wal-walwalka, argagaxa iyo naxdinta joogtada ah.

Nimco Ayaan Mohamud/MG

Previous Post

BAAQA HUMAN RIGHTS WATCH

Next Post

Ceelka Holhol ee sool oo biyo yareeyay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Ceelka Holhol ee sool oo biyo yareeyay

Ceelka Holhol ee sool oo biyo yareeyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo