Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Masiibooyinka

ROOBABKII DEYRTA EE SANADKAN 2012

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 7, 2012
in Masiibooyinka
0
SAADAASHA HAWADA IYO ROOBABKA SOOMAALIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankRoobabka Deyrta ee sanadkan 2012ka ayaa guud ahaan si wanaagsan uga da`ay dalka, iyadoo inta badan qeybaha dalka ay ka da`een roobab caadi ah.

Roobabka Deyrta 2012ka ayaa ka billowday qeybo ka mid ah dalka tobankii dambe ee bishii Sebtembar waxayna kusii fideen qeybaha kale tobankii hore iyo dhexe ee bishii Oktoobar deegaannada qaar ayaa waxaa ka da`ay roobab lixaad leh oo sababay daadad.

Intii lagu guda jiray toddobaadkii ugu dambeeyay ee Oktoobar, gobollada xeebta ku dherersan ee waqooyi bari  ayaa waxaa ku dhuftay duufaan xoog badan oo galaafatay nolosha dad badan isla markaana burburisay hanti.

Waxaa sidoo kale jiray daadad la socday duufaanta kuwaasoo socday saddex maalmood 25kii ilaa 27kii Oktoobar sanadka 2012ka.

Roobabka bilowgoodii

Deegaannada qaar ayaa xilli hore helay roobka oo billowday tobankii dambe ee bishii Sebtembar sanadkan. Waxay deegaannadaasi ku yaallaan koofurta iyo bartamaha dalka oo ay ku jiraan dooxada Shabeelle (Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Hoose), Bay, Bakool iyo qeybo badan oo ka mid ah gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Qeybo ka mid ah gobollada Bari iyo Sool oo ku yaalla waqooyiga dalka ayaa sidoo kale helay tobankii dambe ee bishii Sebtembar roobab xooggan. Deegaannada uu xilli roobaadka ka billowday tobankii hore ee Oktoobar waxaa ka mid ah bartamaha iyo waqooyi bari deegaanno xeebeedka iyo qeybo ka mid ah gobolka Nugaal.

Gedo, qeybo ka mid ah gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose  waxay roobka Deyrta heleen tobankii dhexe ee bishii Oktoobar. Inta hartay ee dalka oo ay ku jiraan inta badan  deegaannada waqooyi galbeed ee ka faa`iideystay roobabka bilihii Luulyo iyo Agoosto ayaa weli ay roobabku ka da`ayeen ilaa bishii Sebtembar balse ma badneyn.

Qiimeynta roobabkii da`ay Oktoobar

Roobabka ay heleen inta badan deegaannada dalka ayaa guud ahaan wanaagsanaa. Inta badan deegaannada waqooyi galbeed ayaa helay roobab caadi ah halka qeybaha koofureed ee xadka la leh Kenya ay heleen roobab yar.

Dooxada Jubba oo ay ku jiraan gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Hoose ayaa helay roobab yar intii lagu guda jiray xilli roobaadka. Qeybaha kale ee koofurta iyo bartamaha dalka ayaa helay roobab wanaagsan.

Qeybaha waqooyi ee dalka oo aan inta badan ku tiirsaneyn roobabka Deyrta ayaa helay roobab caadi ah marka laga reebo gobollada waqooyi bari oo helay roobab wanaagsan.

Daadadka

Deegaannada ay saameeyeen roobabka aan caadiga ahayn ayaa waxaa ka mid ah degmada Beled weyne ee gobolka Hiiraan oo daadad ay ku fataheen toddobaadkii ugu dambeeyay ee bishii Sebtembar.

Magaalada Gaalkacyo oo ku taalla bartamaha dalka ayaa sidoo kale ay ka da`een roobab culus toddobaadkii ugu horreeyay ee bishii Oktoobar kuwaasoo xaafadaha magaalada ku fatahiyay daadad. Qeybaha waqooyi bari ayaa helay roobab aan caadi ahayn intii lagu guda jiray  bishii Oktoobar kuwaasoo ay la socdeen duufaanno.

Duufaanta ayaa socotay 25kii ilaa 27kii taasoo ay sababeen  dabeylo xooggan iyo roobab lixaad leh oo is watay kuwaasoo sababay daadad.  Duufaanta ayaa waxaa ku dhintay afar qof, kumannaan neefaf Ari iyo Geel isugu jira.

Duufaanta ayaa sidoo kale burburisay dhismooyin iyo guryo. Sidoo kale dhowr doomo kalluumeysi ayaa waxyeello ay soo gaartay. Degmada Caluula, waxyeello gaartay bir qalab is gaarsiineed oo waddada dhinaceeda surneyd ayaa carqaladeysay hannaanka is gaarsiinta gobolka.

Haatan heerarka Webiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa caadi ah marka laga reebo qeybaha hoose ee webiga Shabeelle halkaasoo laga soo sheegay inay buuxaan ayna sameeyeen fatahaad ay sababeen qararka webiga oo daciif ah.

Saadaasha roobabka ee 2da toddobaad ee soo socota (6da  ilaa 20ka Disembar, 2012ka)

Roobab aan badneyn ayaa la filayaa inay ka sii da`aan qeybaha koofureed ee dalka halka qeybaha waqooyina ay sii qallalnaan doonaan labada toddobaad ee soo socota.

Dhowaan, is beddel ayaa ku yimid xaaladaha cimilada aan joogtada ahayn ee El Niño ee la saadaaliyay billowgii xilli roobaadka. Sidaa darteed, dhammaan saadaashii xilli hore laga bixiyay xaaladaha El Niño ee lagu sheegay inay yihiin kuwo heerkoodu sarreeyo ayaa noqonaya kuwo aan sidaa u xoogganeyn laga soo billaabo Nofembar ilaa Febraayo.

Tan ayaa waxaa sababay qabowga saxaaxa badda Pacific tan iyo bishii Oktoobar oo heerka qiyaasteedu ay ahayd +0.2oC, waana heer aad uga hooseeya qeexidda lagu qeexay in xaaladaha El Niño ay sarreeyaan. Xaaladda ayaa sidaa darteed la filayaa inay caadi iska noqoto inta lagu guda jiro sanadkan.

Saadaashan waxaa idiin soo gudbiyay SWALIM.

FM/AM

Previous Post

FAO OO U CODSANEYSA SOOMAALIYA KAALMO DHEERAAD

Next Post

JOOJINTA DILALKA QORSHAYSAN EE WERIYEYAASHA SOMAALIDA

Related Posts

Jalalaqsi: Xoolo dhaqato-beeralay abaartu saamaysay oo nolol adag ku wahajaya xeryo ku yaalla magaalada
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo, biyo yari iyo hoy la’aan isku biirsaday qoysas soo maciin bidday xeryo ku yaalla Jowhar

January 8, 2026
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda
Cunto-Yaraanta

Hargeysa: Nolol xumo soo wajahday qoysaska ka ganacsada caanaha geela saamaynta abaarta darteed

January 7, 2026
Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Cunno xumo iyo go’doon ka dhashay fatahaad uu gaystay webiga Shabeelle

November 5, 2025
Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi
Beeraha Iyo Xoolaha

Awdal: Daymo ay qaateen beeraleyda tuulada Ruqi oo sababay in ay xirmaan goobo ganacsi

April 25, 2025
Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Galgaduud: Nolol-xumo ka dhalatay daad barakiciyay qoysaskii ku noolaa tuulada Docolley

May 26, 2024
Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale
Arrimaha Bulshada

Dab kale oo burburiyay qayb ka mid ah suuqa Bakaaraha kaas oo sababay burbur dhaqaale

May 21, 2024
Next Post
JOOJINTA DILALKA QORSHAYSAN EE WERIYEYAASHA SOMAALIDA

JOOJINTA DILALKA QORSHAYSAN EE WERIYEYAASHA SOMAALIDA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo