Dhoofkii xoolaha ee aadayey waddamada Khaliijka ayaa hadda hakad ku jira, kaddib markii ay dhammaatay bishii gudashada waajibaadka Xajka oo xoolo ka badan 2 milyan oo neef ay guud ahaan waddanka ka dhoofeen, sayladda Burco oo ah tan ugu weyn waddanka ayaan dhaqdhaqaaqii xoolaha dhoofku ka jirin saaka, siduu Ergo u sheegay Aadan Jaamac Dhunkaal oo ka tirsan ganacsatada sayladdaas xoolaha ku iibisa, isagoo sheegay inay shirkaduhu sheegeen inay iibka dhoofka xoolaha dib u billaabayaan bishan dabayaaqadeeda, haddase waxaa iibka xoolaha ee ka jira sayladdaas yahay adhiga qalliinka ah oo isaga laftigiisu qiimahiisu korreeyo.
Adhiga qalliinka gudaha
Muunada 1aad =$110
Muunada 2aad = £90
Muunada 3aad = $70
Dhanka gobollada dhexe, siduu sheegay Cumar Salaad oo ka tirsan ganacsatada xoolaha ee degmada Guraceel, ma jiro dhaqdhaqaaq ganacsi oo xoolaha ah, qiimahooduna aad buu u jaban yahay waqtigaan, waana adhiga qalliinka gudaha keliya waxa la iibsado, wuxuuna saaka qiimuhu yahay.
Muunada 1aad = 1500,000 Sh. Somali
Muunada 2aad = 1200,000 Sh. Somali
Baardheere
Adhiga
Muunada 1aad = 1600,000 Sh. Somali
Muunada 2aad = 1400,000 Sh. Somali
Laascaanood
Daabaxa qalliinka
Muunada 1aad = $80
Muunada 2aad = £75
Mogadishu
Geel bariimo ah = $1000
Lo’ bariimo ah = $240
Adhi
Muunada 1aad = $100
Muunada 2aad = $90
Baydhabo
Geel = $920
Lo’ = $200
Adhi
Muunada 1aad = $84
Muunada 2aad = $75
MH/FM