Illaa iyo afar haan oo afka ka xiran loogana shakiyay inay sun sidaan badweyntana kasoo caariyeen ayaa lagu arkay afaafka hore ee xeebta Liido oo ah goob ay haatan ku tamashleeyaan dadka Muqdisho, amaa qaar deegaanno kale oo caasimadda ka baxsan ka yimaada.
Xeebta oo aan tegay waxay aheyd mid cidlo ah oo dadka ay ka kala carareen, dad kooban oo mas`uuliyiin ay ku jireen ayaana ku arkay sanka iyo afkana ay u duubnaayeen.
Guddoomiyaha degmada Cabdilcaziiz ee ay dhacdo xeebta Liido, Cabdullaahi Xuseen Xasan ayaa Raadiyo Ergo uga warramay waxa ay haamahan uga shakiyeen, isagoo baaqna u diray dowladda KMG ah.
Janaraal Garaad Nuur Cabdulle oo ka mid ah saraakiisha booliiska Muqdisho ayaa isna ii sheegay inay gacanta ku dhigeen rag ay uga shakiyeen in haamahan ay ku lug lahaayeen, laakiin baaris dheeri ah ay sameynayaan iyagoo hay`ado kale kala kaashanaya.
Qaar ka mid ah shacabkii ku dabaalanayay xeebta ka hor inta aanay haamahan soo caarin ayaan wax ka weydiinnay sida uu dareenkoodu yahay.
Axmed Xasan Aadan oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda kalluumeysiga kheyraadka badda iyo deegaanka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in badda Soomaaliya loo isticmaalo meel lagu soo fogeeyo khashinka warshadaha iyo aalado kale oo ay sun ku jirto, beesha caalamkana ay ka doonayaan in arrintan ay dib u eegis ku sameyso.
Meelo ka mid ah xeebaha koonfurta Soomaaliya ayaa sanidihii dambe waxaa mararka qaar lagu arkayay qaar ka mid ah noolaha ku jira badda oo iyagoo meyd ah ku soo caarinaya bannaanka, iyadoo haamaha laga shkiyo ee noocyadaan ahna sidoo kale si ku celcelis ah loo arko, laakiin waxa kooban ahmiyadda la siiyo khataraha ay keenio karaan oo waxaa dhacda in halkii lagu arko looga dhaqaaqo, taasi oo walaac badan ku haysa dad badan oo arrimaha deegaanka ku xeel dheer.
Yusuf Keynaan/MG/FM