
Heerar biyaha dacalada webiyada Shabelle iyo Jubba ayaa lagu soo warramay inay sare u kaceen labadii toddobaad ee la soo dhaafay.
Qeybaha waqooyi ee dalka ayaa laga roobsaday, waxaana jiray roobab khafiif ah iyo kuwo dhexdhexaad ah- saadaasha roobabka toddobaadka soo socda illaa 13 May ayaa waxay sheegaysaa in saddexda maalmood ee soo socota haddii uu Eebbe idmo laga filan karo dhulalka ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabelle roobab khafiif ah.
Iyadoo qeybaha bartamaha iyo waqooyiga dalkana la saadaalinao inay helayaan roobabka dhexdhexaad ah. Si kastaba ha ahaatee roobabka ayaa lafilayaa inay ka sii socdaan toddobaadka innagu soo aaddan dhulalka sare ee buurallayda ah ee dalka iyo Ethiopia.
MG/FM










