Hal ruux ayaa ku dhintay saddex kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan ka dib markii kooxo hubaysan ay rasaas ku fureen gaari nooca mini baska ah oo ay saarnaayeen rakaab, kaasoo marayay duleedka xerada qaxootiga Xagardheer, ee deegaanka Dhadhaab dalka Kenya.
Gaariga lagu furay rasaasta ayaa lagu soo warramay inuu isaga kala gooshayay xerooyinka qaxootiga Xagardheer iyo Ifo, oo labaduba ka tirsan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab.
Ruuxa dhintay ayaa wuxuu ka mid ahaa rakaab xilligaasi u socday xerada qaxootiga ee Ifo, saddexda ruux ee dhaawacantay ayaa loola cararay isbitaalka xerada qaxootiga Dhadhaab, halkaasoo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo.
“Waxaan ka warhelnay dhawaqa xabado gaarigeenna ku dhacaya wax yar ka dibna wiil agtayda fadhiya ayay dhuunta kaga dhaceen rasaas nalagu soo riday, bartii ayuuna ku dhintay,” sidaana waxaa Ergo u sheegtay Aamina Cabdulqaadir oo ka mid ahayd rakaabkii saarnaa gaarigaasi la huwiyay tacshiiradda, Aamina ayaa intaasi raacisay in sidoo kale ay isla gaariga dhexdiisa ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale, waxayna sheegtay in wadihii gaarigaasi uu cararay isagoo ka baqanaya inay waxyeello soo gaarto, waxaana ay intaasi raacisay in ninkii meydka ahaa ay halkii kaga soo tageen dhaawacii iyo ayadana ay soo gaareen xerada qaxootiga Xagardheer.
“Waxay na dhaheen ma haysaan sigaar, rakaabkii ayaa ku jawaabay maya, haddana waxay na su`aaleen aaway wadihii gaariga waa uu cararay ayaan dhahnay, wey nagu qayliyeen cabbaar waxay nagu amreen inaan lacago isugu darno illaa dhowr kun oo shilinka Kenya ah ayay naga qaateen.” ayay hadalkeedii ku soo gabagabeysay Aamina oo sheegtay in raga falka geystay ay is qarinayeen iyagoo ka baqanayay in la aqoonsado.
Toddobaadkii aanu ka soo gudubnay ayay ahayd markii kooxo hubaysan ay dileen laba nin oo mid kamid ah uu ka soo jeeday qawmiyadda loo yaqaano Gambella kan kalana uu ahaa Soomaali, kuwaasoo ka mid ahaa rakaab saarnaa gaari u socday xerada qaxootiga Xagardheer waxaana isla gaarigaasi kooxdaasi ay ku dhaawaceen haweeney uur leh.
Xaalado ammaan darri ah ayaa muddooyinkaan dambe laga soo sheegayaa xerooyinka qaxootiyada, iyadoo qarax uu isla maanta galinkii dabe ka dhacay xerada qaxootiga dhagaxleey kaasoo wararku sheegayaan inuu ku dhintay mid ka mid ah ciidamada waddanka Kenya, saddex kale oo ka tirsan ciidankana ay dhaawacyo soo gaareen.
Dhammaan waxaa xiran goobaha ganacsig,a mana jiraan illaa iyo hadda wax dhaqdhaqaaq ah oo ka jira Dhagaxleey xeraduna waxay ku jirtaa xaalad bandow ah.
Farxaan Lafoole/AA/MG/FM