
Hadaba marka loo eego siday warbixin ku soo saartay hay’adda ka sii digista macaluusha ee FEWSNET roobabka la filayo inay ka da’aan Bariga iyo Geeska Afrika ayaa noqonaya kuwo soo daaha kana yar intii caadiyan gobolku heli jiray, tanoo ah calamado cad oo xaalada uga sii daraya marka la eego saadaalihii hore, waxayna saamayn ku yeelanayaan wax soo saarkii beeraha, daaqa iyo helitaanka ilaha biyaha laga cabo, tanoo ah dibu dhac kale oo soo wajahay wax soo saarkii gobolka ee dhinaca cuntada lana mid noqonaysa tii dhacday sanadkii ina dhaafay.
Waxaana hadaba jira dadka ka hayamaya Somaliland, Puntland iyo Koonfurta ee xooluhu ku dhaafeen abaarta, sidoo kale bulshooyinka oo waynaya hanaanka farsamada taakulaynaysa noloshooda abaarta darteed, iyadoo welina ay korayso heerka nafaqo dari iyo dhimashada ee ka jirta wadanka gaar ahaan koonfurta Soomaaliya siday tilmaamayso warbixintii ugu danbaysay ee ay soo saarto xafiiska isku dubaridka arrimaha bani’aadanimo Qaramada Midoobay ee OCHA.
Waxayna hay’adahaani sheegaan in hadii la rabo in la joogteeyo hanaanka soo kabashada ee Soomaaliya bulshada caalamka looga bahan yahay in la joogteeya gargaarka lagu bixinayo dhinacyada badbaadinta nolosha, soo kabashada, dadkana loo dhiso adeegyada nolosha aasaasiga ah, iyagoona hay’adahani tusaale u soo qaatay in bulshada calamku qaylo dhaantii sanadkii dhoweyd ee dhinaca abaarta iska dhega martay jawaabtay bixiyaana noqotay mid soo daahday.
Waxaana nuxurka qoraalkaani ay haddaha wada jiraa soo saareen ku sheegaan in aan Soomaaliya la ilaawin, iyadoo ay jirto qaylo dhaan kale oo ka imanayso gobolka Saaxil ee galbeedka Afrika oo ay ku habsatay abaar ba’ani.
Hay’adaha qoraalkaan soo saaray ayaa waxay kala yihiin.
ACTED Norwegian Refugee Council (NRC)
Adeso – African Development Solutions Oxfam
Adventist Development and Relief Agency PartnerAid
(ADRA Somalia)
Première Urgence – Aide Médicale
CARE Internationale (PU-AMI)
CESVI Relief International
Christian Aid Trocaire
CISP Vétérinaires Sans Frontières Germany
KISIMA Peace and Development World Vision International
Organisation
Mercy Corps










