Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

DAAWO YARI KA JIRTA ISBITAALKA BAYDHABO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
April 13, 2012
in Caafimaadka
0
ISBITAALKA DOOLOW OO AY SOO WAJAHDAY DAAWO LA`AAN
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankWaxaa laga deyrinayaa xaaladda caafimaad dhaawacyo kujira cisbitaalka dhexe ee gobolka Bay kuwaasi oo ay kujiraan dad rayid ah oo xaaladooda caafimaad wax looga qabanwaayey gudaha magaalada islamarkaasina la sheegay in ay u baahanyihiin gar gaar caafimaad.

Saraakiisha caafimaadka ee cisbitaalka ayaa sheegay in xaaladda 9 kamid ah 17 qof oo ku dhaawacmey qarax ka dhacay bartamaha magaalada ay tahay mid aad uliidata una baahan in loo sameeyo daryeel caafimaad lana gaarsiiyo xarumo caafimaad oo kabaxsan gobolka.

Dhaawacyada ku jira cisbitaalka ayaa kor u dhaafaya 30 ruux oo rayid ah oo kuwaasi siyaabo kala duwan ugu dhibaatoobey falal kala duwan oo ka dhacay gudaha magaalada, waxaanna dhaawcyada qeyb ka ah dad danyar ah oo ka xamaalan jirey suuqa qudaarta lagu iibiyo ee bartamaha magaalada.

Dhibaatada caafimaad ee ka jirta magaalada ayaa imaaneysa xilli cisbitaalka dhexe ee gobolka ay booqdeen saraakill caafimaad oo kasocoda dowladda Turkiga kuwaasi oo kormeer ku sameeyey dhamaan qeybaha uu kakoobanyahay cisbitaalka.

Fowziyo maxamed Sheikh oo katirsan baarlamanka ayaa sheegtay in dawo la’aan ay ka jirto cisbitaalka iyadoo ay aad u koobanyihiin dhaqaatiirta caafimaad ee ka hawlgala cisbitaalka.
Waxay tilmaantay in codsi ay u direen hay’adaha gargaarka si loo qalabeeyo cisbitaalka islamarkaasina loo badbaadiyo dadka ku dhibaateysan gudaha magaalada oo weli laga dareemayo saameyntii ay ku yeesheen abaarihii iyo rabshadihii ka dhacay gobolka.

Dhibaatada daawo yari ee haysata isbtaalka Baydhabo ayaa ahayd mid ka jirtay cisbitaalka seddexdii sano ee la soo dhaafay, hasee yeeshee dhowaan ayaa xoogaa sahay dawo ah ay gaarsiiyeen saraakiil caafimaad oo katirsan dowladda iyo hay’adda caafimaadka aduunka WHO.

Hawlwadeenada cisbitaalka ayaa Radio Ergo telefoonka ugu sheegay in dawadaasi ay noqotay mid aan daboolin baahida ay qabaan bukaanada jiifaa cisbitaalka iyo dhaawacyada dad rayid ah oo aan awoodin in ay iska bixiyaan qarashaadka dawada.

Cabdicasiis/MH

Previous Post

SAADAASHA LAGA BIXIYEY ROOBKA GU’GA OO KA YAR INTII LA FILAYEY AYAA DHIBATO KU NOQON KARA HANAANKA SOO KABASHADA SOOMAALIYA

Next Post

ROOBAB KHASAARE GEYSTAY OO KA DA’AY MUQDISHO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
ROOBAB KHASAARE KA GEYSTAY GALGADUUD

ROOBAB KHASAARE GEYSTAY OO KA DA'AY MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo