Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya diyaar ma u yihiin inay dib ugu laabtaan dalkoodii?

admin by admin
April 25, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya diyaar ma u yihiin inay dib ugu laabtaan dalkoodii?
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankLixdii sano ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxay marti u noqotay colaado iyo hardan adag oo u dhexeeyay dhinacyo iska soo horjeeda, dagaalladaasi waxaa qayb ka ahaa kuwao har iyo habeenba aan loo kala nasan, kuwaasoo salfaday nolosha dad aan tiradoodu cadad lahayn, waxaana ku baaba`ay hanti aad u fara badan , sidoo kalena colaadahaasi waxay sababeen in dad aad u badan ay ka firxadeen guryahooda kuwaasoo ku biiray xeryaha qaxootiyada waddanka Kenya.

Hadda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxay isu sawireysaa iney tahay meel sidii hore ka nabdoon oo lagu noolaan karo, ka dib markii ay kusoo dhacday hal gacan oo ka mid ah gamcaha kooxihii ku dirirayay ee isku haystay maamulkeeda iyo kan dalka oo idil, waxaana dib ugu noqday kumannaan dad ah oo horay uga barakacay gudaha magaalada, dadka Muqdishu ku noqday waxaa ka mid ah kuwa qurbo joogta ah, waxayna ka wadaan magaalada dhismooyin iyo maal-gashi dhinacyo kala duwan isugu jira.

Haddaba dalka Kenya oo daris la ah Soomaaliya, wuxuu ka mid yahay waddamada ay maciinsadeen qaxootiga Soomaaliyeed ee iyagu ka soo cararay dagaallada ka socda dalkooda, waxaana halkaasi ku yaalla xerooyin qaxooti oo ad u waaweyn kuwaasoo ay ku jiraan qaxooti Soomaaliyeed waxaana ka mid ah xeryahaasi xeryaha qaxootiga Dhadhaab.

“Telefishinnada ayaan ka daawannaa waxa ka soconaya Soomaaliya, waxaana ka soo ifay nabad, waana u noqonayaa dalkeyga hooyo shakhsi ahaan, maxaa yeelay halkan waxaa nagu haysta dhibaatooyin aad u fara badan, oo had iyo jeer waxaa nalagu yiraahdaa waxaad tihiin qaxooti maalin waliba dadkeenna waxaa lagu hayaa hanjabaad iyo xarig mana jirto cid noo doodda.” sidaana waxaa Raadiyo Ergo u sheegay wiil dhalinyaro ah oo magaciisa ku koobay Gaalkacyo oo ku nool magaalada Mandheera .

“Rajada ay dadkeenna Soomaaliyeed ka qabaan iney mar uun dhici doonto iney dib dalkooda ugu noqon doonaan iyadoo ay nabad iyo dowladnimo ka jirto waa mid aan ka go’in quluubteenna, markii wax yar oo neecow sida tan hadda ka jirta Muqdisho oo kalena lahelo weyba sii wanaagsanaataa hammiga aan u hayno inaan dib ugu laabanno dalkeenna.” sidaana waxaa Ergo u sheegtay Samiira Aadan oo ka mid ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xerada Ifo2.

Mahad Cabdi wuxuu ka mid yahay Soomaalida Sanado fara badan sababa ammaan dartood u jooga gobolka Waqooyi Bari Kenya, wuxuuna u sheegay Ergo inuu u hiloobay dalkiisa Soomaaliya. “Anigu hadda waxaan rumeysanahay in lagu noolaan karo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, maxaa yeelay sidii uu dalku ahaa markaan ka soo tagay wax badan ayaa iska baddalay, waxaana caddayn kuugu filan waa taa dadku ku noqonayaan guryahoodii Muqdisho, caasimaddii bilo ka hor ahayd faaruqa maanta wey camiran tahay.” ayuu yiri Mahad oo rajeynaya inuu dib ugu noqon doono Soomaaliya dhowaan.

“Hadda ayaa la gaaray xilligii aan ku laaban lahaa waddankayga hooyo, aad ayaana u jecelahay” sidaa waxaa yiri Mahad oo sheegay inaysan jirin wuxuu siisanayo Soomaaliya.

Dhanka kale, dad fara badan oo ku mooraal dillaacay rajo xumo ay dhinacyada diriraya ku beereen darteed, ayaa iyagu ah wali kuwa murugeysan isla mar ahaantaana saluugsan qaabka wax ku socdaan, waxaana intooda badan dadkaasi rumeysan yihiin inta la is maquuninayo ama qolo la faquuqayo uu wali maqan yahay xalka Soomaaliya, hase ahaatee haddana Alle talo ku filan ayay leeyihiin, sida ay qabaan dad uu ka mid yahay Cabdi Xassan, oo isna ku nool Mandheera muddo 5 sano ka badan.

“Dalkan waxaa nabad ka dhigi kara Soomaali oo dhexdooda ka heshiisa laakiin inta la qancinayo shisheeyaha xal Soomaaliyeed ma muuqdo, marka waa in dhinacyada wata ajaanibta ay isa soo hor fariistaan oo ay heshiiyaan, sidaas ayay ku jirtaa nabadda suura gelin karta inaan dib u noqonno.” ayuu yiri Cadbdi Xassan oo sheegay inuu aad ugu wareersan yahay waxaa Soomaaliya ka soconaya hadda.

Fakarkaas mid u dhow laakiin ka yara duwan waxaa qaba Maxamed Xaashi oo dalal fara badan u tahriibay, haddana ugu dambeyntii ku sugan gobolka Soomaalida ee Waqooyi Barri Kenya. Maxamed wuxuu Ergo u sheegay in waxa ku kallifayay inuu naftiisa tahriibiyo ama khatar galiyo aaney ahayn necayb uu u qabo dalkiisa, laakiin ay ugu wacan tahay buu yiri amni darrada iyo saboolnimada waddankeenna ku habsatay, illaa iyo haddana waxa uu qabaa Maxamed inta ay xabadi ka socoto Soomaaliya ama shaqo la`aan ay ka jirto, iney adag tahay in si fudud loogu laabto waddankii.

“Qofka dib u noqonaya wuxuu ku noqon karaa dalkiisa markuu helo labo shey oo kala ah nabad iyo shaqo, taas oo aan u arko in haddii mid ka mid ah la waayo ay adag tahay in lagu noolaan karo Soomaliya, waana taas midda keentay markii horeba in laga soo cararo waddanka, walina xaaladdaasi wey ka jirtaa Soomaaliya, marka ujeeddadu ma ahan inuu qof dalkiisa neceb yahay, waxaa la raadinayaa nolol wanaagsan.” ayuu yiri Maxamed Xaashi.

Waxaa jira qurba joog Soomaaliyeed oo iyaguna muddooyinkii dambe ku soo laabanayay Soomaaliya kuwaasi oo maal gashi ku samaysanaya gudaha waddanka, waxaana dadkaasi ay rajo wanaagsan ka muujiyeen nolosha ka jirta haatan Soomaaliya .

Si kastaba ha ahaatee fikrado kala duwan ayay dadku ka qabaan dib ugu noqoshada dalka, ka dib is baddallo ka dhacay muddooyinkii ugu dambeeyay meelo ka mid ah dalka.

Nuur Cali Faarax/AA/FM

Previous Post

CARRUUR CUDURRADA DILAAGA AH LOOGA TALLAALAY GOBOLKA GEDO

Next Post

BEERALLEYDA BAARDHEERE OO KA CABANAYSA CAYAYAAN

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
BEERALEYDA BAARDHEERE OO GOOSTAY TABACII UGU HOREEYAY MUDDO SANADO AH

BEERALLEYDA BAARDHEERE OO KA CABANAYSA CAYAYAAN

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo