Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladihii ugu danbeeyey ee dagaalada ka taagan gobolka Bakool

admin by admin
February 24, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaaladihii ugu danbeeyey ee dagaalada ka taagan gobolka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBakool:- Xiisado colaadeed oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah iyo kuwa Al-Shabaab, ayaa saaka ka taagan deegaanno ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo shalay ay ka dhaceen dagaallo xooggan oo u dhexeeya dhinacyada ku dagaallamaya qeybo ka mid ah gobolka Bakool.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii shalay muddo kooban ciidamada dowladda ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Xudur, kuwaasi oo markii dambe isga soo baxay iyadaoo haatan saldhigga iyo qeybo kale oo ka mid ah magaalada ay ku sugan yihiim ciidamada Al-Shabaab.

Ciidamda labada dhinac ayaa isku hor fadhiya deegaanka Aboorri, oo ku dhowaad 10Km u jira magaalada Xudur, halkaasi oo ay ku nool yihiin dad fara ku tiris ah oo ay ku jiraan qoysas ka soo barakacay degmada Xudur.

Walaaca dadka deegaanka ay qabaan ayaa wuxuu yahay xiisadaha sii xoogaysanaya ee ka jira gobolka Bakool, kuwaasi oo sababay barakac ballaaran, waxaana magaalada kabarakacay qoysaskii ugu badnaa oo degganaa degmada xudur iyo deegaannada ku xeeran.

Saraakiil ka tirsan dowladda, ayaa sheegay in saaka markale ay weerari doonaan magaalada Xudur, oo shalay gacan ku haynteeda ay la wareegeen muddo kooban.

Cabdifaaqid Cabdi Duwane, oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada ayaa sheegay in saaka ay qorshaynayaan inay dib ugu laabtaan magaalada oo shalay dagaal uu ka dhacay, isagoo xusay in uu koobnaa khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah, inkastoo aan la ogayn tirada dadka dhibaatadu ay soo gaartay.

Qoysaska ka barakacay degmada Xudur ayaa gaaray dhulka baadiyaha ah, oo ay aaminsan yihiin inay ku badbaadayaan. Malaaq Cali Muumin, oo ka mid ah dadka barakacay ayaa Raadiyo Ergo uga warramay barakaca ka jira Xudur.

Lama oga khasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah iska horimaadkii shalay ka dhacay deegaanka Teed oo 30km dhinaca bari kaga beegan magaalada Xudur, hasee yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 6 ruux oo rayid ah ay dhinteen kuwaasi oo qaybka ahaa barakacayaal ka baxsanayay dagaallada.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo la gaarsiiyay cisbitaalka Xudur, oo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyada dagaallamay walow uu aad u hooseeyo adeegga caafimaad ee cisbitaalka gobolka.

Ma jirto cid daryeel u fidinaysa dadka dhibaataysan ee ay saameysay colaadda ka jirta gobolka, waxaana horay deegaannada looga saaray hay`adihii ka shaqaynayay daryeelka bulshada iyo caafimaadka.

Xaaladda ayaa u muuqanaysa mid sii adkaanaysa, xilli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya dhinacyada isku haya gobolka Bakool.

Dhinaca kale dhaq dhaqaaqyada ganacsi iyo adeegga bulshada ayaa ku soo laabanaya degmooyinka Baydhabo iyo Berdaall,e oo maalmo ka hor ay la wareegeen ciidamada dowladda oo ay wehliyaan kuwa Itoobiya.

Koranto/MH/FM

Previous Post

Waxbarashada ardayda qaxootiga

Next Post

Degmada Berdaale oo dadkii ka barakacay ku soo noqonayaan

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Degmada Berdaale oo dadkii ka barakacay ku soo noqonayaan

Degmada Berdaale oo dadkii ka barakacay ku soo noqonayaan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo