Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Degmada Berdaale oo dadkii ka barakacay ku soo noqonayaan

admin by admin
February 27, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Degmada Berdaale oo dadkii ka barakacay ku soo noqonayaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBAY:- Qaarkamid ah qoysas dhowaan ka barakacay xiisadaha kajira deegaanno
katirsan gobolka Bay ayaa bilaabay in ay dib ugu soo laabtaan
xaafadahooda kaddib markii deganaansho laga dareemay goobihii ay
lawareegeen ciidamada dowladda KMG oo ay wehliyaan kuwa itoobiya.

Qoysaska ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo laabteen degmada
Berdaale oo kamid ah goobihii ay ka barakaceen dadka deegaanka oo
kabaxsanayay dagaalada oo saamayn ballaaran ku yeeshay nolosha iyo
dhaq dhaqaaqa degmada.

Gudoomiyaha degmada Berdaale Yuunis Cali Dareen ayaa faafaahin ka
bixiyay tirada qoysaska ku soo laabtay guryahooda isgaoo xusay in
dadka ay yihiin kuwo doonaya in ay dib u bilaabaan noloshooda.

Wararka ka imaanaya degmada ayaa sheegaya in qoysaska soo laabtay ka
sokow ay jiraan xaalado adag oo soo wajahay boqolaal barakacayaal ah
oo deegaankooda uga barakacay xiisadaha kajira gobolka Bay.

Ashtako ku aadan biyo la’aan iyo cunno yari ayaa kamid ah waxyaabaha
ay ka cabanayaan qoysaska oo ay u badanyihiin haween iyo caruur oo ah
kuwo unugul dhibaatooyinka dhacaya.

Dhalinyarada deegaanada ayaa badankood u barakacay magaalada Muqdisho
iyadoo aannu jirin hay’ado taageeraya dhamaan qoysaska ay saameeyeen
dagaalada kuwaasi oo u muuqanayey kuwo kasoo kabanaya abaaraha ku
dhuftay gobolada koonfur galbeed Soomaaliya.

Ciidamda la wareegay deegaanno katirsan gobolka Bay ayaa degmooyinka
Baydhabo iyo Berdaale ka sameeyey hawlgallo lagu soo qab qabtay dad
rayid ah kuwaasi oo arimo kala duwan lagu eedeynayo.

Gudoomiyaha degmada Berdaale ayaa sheegaya in maamulkiisa uu sii
daayay dad lagu soo qabtay hawlgallada ay sameeyeen ciidamada kusugan
degmada berdaale.
Duleedka degmada waxaa fariisinno ciidan ka sameystay ciidamo katirsan
itoobiya hasee yeeshee waxaa aad u kooban dadka barakacay ee ka soo
laabanaya barakacii dhowaan ay uga baxeen deegaanadooda.

Xaaladaha bini aadannimo ee kajira gobolada Bay iyo Bakool ayaa ah
kuwo aad u liita waxaanna dadka ay lakulmeen colaad iyo barakac
haattan dib saamayn ugu yeeshay qoysaska oo markii hore
dhibaataysanaa.

Sidoo kale xaaladda qoysas ku barakacay qeybo kamid ah gobolka Bakool
ayaa laga dayrinayaa xaaladaha noloshooda kaddib markii degmada xudur
iyo deegaanno kale ay isga baxeen dadkii ku noolaa, goobaha dadku ay
ku dhibaataysanyiin waa dhulka baadiyaha oo ay adagtahay in adeeg
caafimaad iyo mid nololeed laga helo.

Xaaladda gobolka Bakool ayaa ah mid deggan kaddib xiisado halkaasi
kajiray maalmihii ugu dambeeyay balse waxaa duleedka magaalada xudur
isku horfadhiya ciidama dowladda iyo kuwa al-shabaab.

Previous Post

Xaaladihii ugu danbeeyey ee dagaalada ka taagan gobolka Bakool

Next Post

Qarax lala beegsaday garoon kubada cagta ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
DDG oo munaasibada Ciida Carafo darteed markale codsatay sii daynta shaqaalaheeda

Qarax lala beegsaday garoon kubada cagta ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo