Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Wasiirka arrimaha gudaha: Bannaynta guryaha dawladda ayaa dhinaca kalena keeni karta kororka tirada barakacayaasha

admin by admin
February 16, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Wasiirka arrimaha gudaha: Bannaynta guryaha dawladda ayaa dhinaca kalena keeni karta kororka tirada barakacayaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMuqdisho:- Waxaan halkan idinkugu soo koobeynaa wareysi ay idaacadda Ergo la yeelatay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Soomaalia.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya Cabdisamed Macalin Maxamuud ayaa radio Ergo u sheegay oo yiri “Dagaalkaan hadda socdaa ma ahan wax cusub, horay ayaa loo sii sheegay, qorshaha dawladda ayey ahayd in ciidamada dawladu u baxaan gobollada, run ahaantiina waan dareemi karnaa meeshii dhibaato ka jirto dadka way taabanaysaa, intii muddo ahna waxaan ilaalinanay dhibaatada dadka, waana qorshaheena taas, waxaanan rajaynaynaa in dadka laftigooda aan u sheegaynaa inay u tabaabushaystaan sidii ay isaga badbaadin lahaayeen intii karaankooda ah dhibaatooyinka dagaallada ee jira”

Dadka deggan xeryaha ku yaal ceelasha biyaha oo ku yaal waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa iyaguna sheegaya inay qabaan walaac ballaaran oo dagaalladaan hadda ku sii fidaya degaanaday ku nool yihiin mar kale ay ku keenayaan barakac aysan awood u lahayn.

Xabiibo Axmed waa hooyo deggan xeryaha Ceelasha biyaha, iyadoo radio Ergo la hadlaysa ayey tiri “Runtii dhibaato xoog leh ayey nagu tahay inaa barakacno, afar sano ka hor ayaan soo degnay meshaan, carruur ayaan haystaa, haddana inaan mar kale sii barakaco waxay igu tahay dhibaato baaxad leh”

Mudane Cabdisamed ayaa sheegay inay muhiimadda koowaad siinayaan dadka ku nool xeryahaas, ayna wadeen maalmahaan kulamo ay la lahaayeen hay’addaha gargaarka sidii dadka loo cawin lahaa, looguna samayn lahaa dib u dejin, isagoona ka rajeeyey hay’adaha gargaarka inay guul ka imaan karto.

Mar uu ka hadlayay wasiirku dadka guryaha laga saaray wuxuu sheegay in baahida adeegyada dadweynaha ah ee dadka Soomaaliyeed qabaan ay ka weyntahay dadka guryo ahaanta u deggan dhismayaashii danta guud, wuxuuna kalouu yiri: “Tusaale ahaan meelaha iskuulada ah waxaa deggan ilaa 100 qoys, marka dhibaatada qoysaskaas iyo kumaan carruur ah oo aan haysan goobo ay wax ku bartaan kee muhimmadda leh? waana in la soo celiyaa dhammaan goobihii adeegyada dadweynaha taas baana muhiim u ah sidii dadku u soo kaban
lahaayeen”.

Arrintaan banaynta guryaha dawladda ayaa dhinaca kalena keeni karta inay sii kordhiso tiradda dadka ku barakacay guddaha waddanka. Siday sheegtay hay’adda qaxootiga Qarammada Midoobay ee UNHCR 1.35 milyan oo qof ayaa guud ahaan waddanka ku barakacsan

Dhinaca barakac ka dhaca gobollada ayuu wasiirka arrimaha guduhu sheegay inay dhici karto, ayna hadda wadaan qorshayaal goobahaas sidii gargaar loo gaarsiin lahaa, iyadoo ay jiraan gobollo door ah oo dagaallo waqtigaan ka socdaan.

MH/AMM

Previous Post

Barakac ka taagan Ceelasha biyaha

Next Post

WARARKA QIIMAHA XOOLAHA

Related Posts

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
WARARKA QIIMAHA XOOLAHA

WARARKA QIIMAHA XOOLAHA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo