Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolosha xeryaha dadka soo barakacay ku jiraan ee Gaalkacayo

admin by admin
February 10, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Nolosha xeryaha dadka soo barakacay ku jiraan ee Gaalkacayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankGaalkacayo:- Gobolka Mudug waxa uu ka mid yahay gobollada ay ku sugan yihiin qoysaska barkacayaasha ee ka cararay dagaalada iyo abaarihii ku dhuftay gobollada koonfureed ee Soomaaliya,waxaana xilligaan ku yaala qeyba badan oo kamid ah gobolka gaar ahaan magaalada xarunta ah ee Gaalkacayo xerooyin ama kaamam ay ku noolyihiin qoysas barakacayaasha ah ,haddaba qoysaskaani ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo foodsaaray xaalada adag oo dhanka noloshooda la xiriira.

Qoysaskaani oo la hadalayayay qeybaha warbaahinta ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in aysan haysan cuno,biyo iyo hoy,waxaana ay ka codsadeen hay,adah samafalada in ay la soo gaaraan gargaar degdeg ah.

In kastoo ay jiraan cabashooyinkaasi ka soo yeeraya qoysaska barakacayaasha ee ku nool magaalada G/kacayo ee xarunta gobolka Mudug ayaa hadana dhawaan,Hay’adda samafalka ee NRC ay u qeybisay ilaa 800 oo qoys oo ka tirsan qoysaska barakacayaasha eek u sugan degmada Gaalkacayo gargaar ka kooban , Teendhooyinka qaxootigu ka samaystaan aqalada iyo qaarkood oo loo dhisay gurya ka samaysan jiingado.

“Barakacayaashu xilligaan ma haystaan waxyaabihii ka kaafin lahaa dhanka noloshu xaaladuna waa mid aad u adag waxaan ka codsan lahayn hay,adaha samaflaka in gargaar degdeg ah ay la soo gaaraan qoysaskaasi”sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay Binti Sheikh Xasan Cigaal oo ah horjoogaha kaam ka mid ah kaamamka ku yaala magaalada G/kacayo dhinaceeda koonfureed.

Magaalda G/kacayo oo u muuqata xilligaan magaalo ay dhismayaal xoogani ka soconayaan ayaa waxaa taasi ay keentay in qoysas badan oo barakacayaal ah laga saaro goobihii ay deganaayeen,kadib markii dadkii iska lahaa dhismayaashaasi ay u baahdeen in ay dib u dayactirtaan dhismayaashooda,waxaana taasi barakacayaasha ay ku keentay in laga saaro guryahaasi ,waxaana arrintaasi ay qoysaska barakacayaasha ku noqotay dhibaato ugu darsantay dhibaatooyinkii horey u haystay.

“Waxaan aad uga xunnahay dhibaatooyinka kala duwan ee soo waajahay dadka barakacayaasha ah muddooyinkii ugu dambeeyay kuwaasoo aan waxba haysanin ,waxaana caalamka usoo jeedin lahaa in ay wax u qabtaan barakacayaasha oo xilligaan nay xaaladddoodu aad u liidato” sidaana waxaa idaacadda Ergo u sheegay C/rashiid Faarax Cartan oo ka tirsan aqoonyahannada ku nool magaalada G/kacayo.

Si kastaba ha ahaatee gobolka Mudug waxaa uu ka mid yahay goobaha ay barakacayaashu u carareen xilliyadi ay abaaruhu ku dhufteen gobollada koonfureed ee dalka.waxaana gobolka ku sugan qoysas kumanaan kor u dhaafaya.

Takilo/AA

Previous Post

Barakacayaasha Ceelcade oo dhibaatooyin haystaan

Next Post

QIIMAHA XOOLUHU KA JOOGAAN MAGALOOYIN DOOR AH TODOBAADKAAN.

Related Posts

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
Next Post
QIIMAHA XOOLUHU KA JOOGAAN MAGALOOYIN DOOR AH TODOBAADKAAN.

QIIMAHA XOOLUHU KA JOOGAAN MAGALOOYIN DOOR AH TODOBAADKAAN.

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo