Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolosha Baydhabo oo caadi ku soo noqonaysa

admin by admin
February 23, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Nolosha Baydhabo oo caadi ku soo noqonaysa
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBAY:- Kaddib dagaallo saamayn ku yeeshay dadka rayidka ah oo ka dhacay deegaanno katirsan gobolka Bay, ciidamada dowladda oo ay wehliyaan kuwo Itoobiyaan ah ayaa la wareegay gacan ku haynta Baydhabo oo seddex sanno ay maamulaysay Al-shabaab.

Ciidamada ayaa gelinkii dambe ee shalay la wareegay Baydhabo iyadoo aannu jirin iskahorimaadyo dhexmaray dhinacyada maalmihii ugu dambeeyay ku hardamayay gobolka Bay.

Saraakiil katirsan dowladd kumeel gaarka oo lahadlay idaacadda Ergo ayaa sheegay in markii ay la wareegeen magaalada Baydhabo ay saldhigyo ka samaysteen daafaha magaalada iyadoo ay koobnaayeen dadka isugu soo baxay bartamaha magaalada markii ciidanka gudaha ay soo galeen.

Hawl gallo kooban oo lagu sheegay kuwo amaanka lagu sugayo ayaa ciidamo katirsan dowladdu waxay ka sameeyeen xaafado katirsan Baydhabo iyadoo hawlgallada lagu qabtay tiro dad ah oo ciidanku ay ka shakiyeen sida goob joogayaal ay noo xaqiijiyeen.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in aannu jirin dad ay qabteen ciidamadooda balse ay ballaarin doonaan saacadaha soo socoda awooddooda maadaama wali ciidamadooda ay yihiin kuwo ku sugan daafaha magaalada iyo xeryaha ciidamada.

Bulshada ku dhaqan caasimadda gobolka Bay ayaa wallaac ka muujinaya saamayn ay ku yeeshaan dhaq dhaqaaqyada ciidamada xulufada ah ay samaynayaan iyadoo ay jiraan dhallinyaro badan oo isaga barakacay magaalada ka hor inta ciidamadaasi aannu soo gaarin qeybo kamid ah gobolka.

Magaalada Baydhabo ayaa xaalad bandow ah lagu soo rogay habeen nimadii xalay iyadoo ay aad u koobnaayeen dhaq dhaqaaqyada bulshada iyo isu socodka gaadiidka.

Intabadan bulshada ku sugan magaalada ayaa ah kuwo ka war dhowraya tallaabada ay qaadi doonaan ciidamada la wareegay maamulka.

Wax garaka magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in la badbaadiyo shacabka iyagoo sheegay in muhiim ay tahay in isbedelkan uu keenno badbaadada shacabka. Barafisoor Ibraahim Muuse Heerow ayaa baaq u jeediyay shacabka iyo ciidamda dowladda isagoo saraakiisha ugu baaqay in la daryeello dadka rayika ah islamarkaasina la badbaadiyo xoolahooda.

Xaaladda Baydhabo ayaa ah mid degan maanta iyadoo xalay ay jireen kulamo amaanka looga hadlayo oo ay yeesheen saraakiisha ciidamda hogaaminaysa.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Diinsoor ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo barakac kaddib markii ay gaareen ciidamada Al-shabaab ee isga baxay deegaanno katirsan gobolada Bay iyo Bakool.

Barakac ka jira degmada Diinsoor ayaa imaanaya xilli xaalado adag iyo colaado ay maalmihii ugu dambeeyay kajireen deeganada gobolka waxaa sidoo kale dareen midkaasi lamid ah uu ka taaganyahay degmooyinka Ufurow, qansaxdheere iyo buurhakaba.

Dhibaatooyinka bini’aadannimo ee soo wajahay dadka rayidka ayaa imaanaya xilli qoysas dhibaataysan oo abaarro ay saameeyeen ay dhowaan ku laabteen deegaanadooda balse qoysaska ayaa hadda la kulmaya barakac iyo xiisado kale oo saameeya noloshooda.
Cabdicasiis Koranto/MH

Previous Post

Barakac ka taagan Berdaale iyo Baydhabo

Next Post

Dagaalo ka dhacay Bakool iyo dawladoo sheegtay inay qabsatay Xudur

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Dagaalo ka dhacay Bakool iyo dawladoo sheegtay inay qabsatay Xudur

Dagaalo ka dhacay Bakool iyo dawladoo sheegtay inay qabsatay Xudur

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-MAY-2026

IDAACADDA 23-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo