Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakac ka taagan Berdaale iyo Baydhabo

admin by admin
February 22, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Barakac ka taagan Berdaale iyo Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBerdaale:- Degmada Berdaale ee gobolka Bay, ayaa saaka ah mid haawanaysa ka dib markii inta badan qoysaskii ku noolaa deegaankaasi ay ka barakaceen sababo la xiriira dagaallada ka soo cusboonaaday deegaanno ka tirsan gobolka Bay, oo ay ka taliyaan ururka Al-Shabaab.

Qoysaskii ugu badnaa ayaa gelinkii dambe ee shalay illaa iyo xalay ku barakacayay deegaanno dhinaca koofuureed iyo galbeedka kaga beegan magaalada Baydhaba, waxaana degmada ku sugan dad fara ku tiris ah oo awoodi waayay inay ka baxaan deegaanka oo xiisado ay ka jiraan.

Faadumo Cali oo ah hooyada lix carruur ah isla markaasina soo toostay saaka iyadoo haawanaysa degmada Berdaale, ayaa raadiyaha Ergo u sheegtay in aysan garananaynin meel ay u barakacdo waxaana ay muujisay walaaca ay ka qabto dagaallada saamaynta ku yeeshay dadka oo ka soconaya gobolka Bay.

In ka badan 1500 oo qoys ayay hooyo Faadumo sheegtay inay ka barakaceen degmada kuwaasi oo badankood gaaray tuulooyin ku dhow Berdaal,e oo uu ka mid yahay deegaanka Shiidka loo yaqaanno oo ay gaareen qoysaskii ugu badnaa.

Ciidamada dowladda federaalka, ayaa lagu soo warramayaa inay ku sugan yihiin deegaanka Hawlaha guud oo qiyaastii 5km u jira degmada Berdaale, halkaasi oo xalay ay soo gaareen ka dib markii shalay dagaallo ay la galeen ururka Al-Shabaab.

Lama oga tirda dadka rayid ah ee ku geeriyooday dagaalladii shalay, balse dhinacyada xiisaduhu ay u dhaxeeyaan ayaa sheegay inay dhinteen in ka badan 10 ka wada tirsanaa kooxaha dagaallamaya.

Guddoomiyha degmada Berdaale, Yuunis Cali Dareen, ayaa Raadiyo Ergo telefoonka ugu sheegay in saaka ay la wareegi doonnaan degmada isagoo ugu baaqay shacabka inay ku soo laabtaan aqalladooda.

Xaaladda deegaannadaasi ayaa sii adkaanaysay maalmihii ugu dambeeya,y tan iyo markii ay billowdeen xiisadaha gobolka waxaana guud ahaanba aan jirin adeegyadii bulshada, dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo waxbarashada.

Tuulooyin ku dhow deegaanka Hawlaha guud, ayaa lagu soo warramayaa inay ka barakaceen in ka badan 100 qoys kuwaasi oo gabbaad ka raadiyay dhulka baadiyaha ah oo ka fog goobaha lagu dagaallamayo.

Goob jooge ku sugan howlaha guud oo magaciisa iigu soo koobay Maxamed, ayaa sheegay in qoysas uu ku qiyaasayo 100 qoys ay barakaceen deegaanka uu ku suganyahay.

Barakacii ugu badnaa ayaa ka soconaya deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Bay, halkaasi oo sanadihii ugu dambeeyay ay ka talinayeen ururka Al-Shabaab.

Marka laga soo tagao barakaca degmada Berdaale, waxaa shalay ka dhacay qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay taasi oo ay ku geeriyoodeen illaa 6 ruux, iyadoo 11 kalena ay ku dhaawacmeen, dadka ku dhintay miinada qaraxday waxaa qayb ka ahaa haweenay ganacsato ah oo ku sugneyd goob laga raaco gaadiidka oo miinadu ay ku qaraxday.

Si kastaba xaalado kacsanaan ah ayaa ka jira guud ahaan gobolka, waxaana sidoo kale barakaca uu ka billowday degmada Baydhabo.

Ururka Al-Shabaab, ayaa guud ahaan mamnuucay dhaqadhaqaayadii dugsiyada waxbarasho, ganacsiga iyo adeegyada kale iyagoo ku baaqay in lala dagaallamo ciidmada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo ku sugan goob Baydhabo u jirta 65 km.

Dadka ku dhaqan magaalada Baydhabo, ayaa walaac ballaaran ka muujinaya xiisadaha gobolka, iyadoo qoysaska qaar ay u barakaceen tuulooyin ku dhow magaalada.

Goob jooge ku sugan Baydhabo, ayaa sheegay in aanu jirin dhaq dhaqaaqyada bulshada oo magaaladu ay tahay mid bandow ah.

Isku soo wada duuboo lama oga sida ay ku dambeyn doonaan xaaladaha deegaannada gobolka Bay

Cabdicasiis Koronto/MG/FM

Previous Post

Oxfam oo baaq u dirtay shirka London

Next Post

Nolosha Baydhabo oo caadi ku soo noqonaysa

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Nolosha Baydhabo oo caadi ku soo noqonaysa

Nolosha Baydhabo oo caadi ku soo noqonaysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo