Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dagaalo ka dhacay Bakool iyo dawladoo sheegtay inay qabsatay Xudur

admin by admin
February 23, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Dagaalo ka dhacay Bakool iyo dawladoo sheegtay inay qabsatay Xudur
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBakool:- Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG iyo Al-shabaab
ayaa ka dhacay duleedka magaalada Xudur gaar ahaan deegaanka Teed oo
qiyaastii 30km dhinaca bari kaga beegan magaalada Xudur.

Dagaalka ayaa bilowday kaddib markii ciidamo ka tirsan dowladda oo ka
soo duulaan tegay Ceelberde ay la kulmeen ciiidamo katirsan
Al-shabaab oo ka soo baxay degmada Xudur.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ku geeriyootay ama ku dhaawacmay
dagaalka oo muddo socoday hasee yeeshee malaaq Cali Muumin oo kamid ah
ugaasyada deegaanka ayaa sheegay in uu warka ku halay geerida 6 ruux
oo rayid ah, isagoo xusay in dhaawacyo tiradooda la ogayn lagaarsiiyay
cisbitaalka magaalada Xudur.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay kaabiga ku hayaan
degmada Xudur hase yeeshee gudoomiyaha degmada Xudur ee dowladda ayaa
tilmaamy in ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada oo ay ka baxeen
sida uu sheegay Al-shabaab.

Isgaarsiinta degaanada ayaa ah mid aad u adag mana jiraan warar
dhamaysitran oo laga heli karo.

Malaaq Cali Muumin oo duleedka Xudur ku sugan ayaa Ergo u sheegay in
dhamaan qoysaska deganaa magaalada ay u barakaceen deegaanada baadiyaha
ah iyagoo ka cararya dagaalada.

Tirada rasmiga ah ee dadka barakacay lama oga balse intabadan dadkii
kuu noolaa magaalada ayaa isaga baxay Xudur.

dhinaca kale hawl gallo ay sameeyeen ciidamada ku sugan magaalada
Baydhabo ayaa lagu soo qabtay dadrayid ah oo gaaraya 20 ruux kuwaasoo u badan dhallinyarro.

Saraakiisha ayaa hawlgalka ku sheegay mid miino baaris ah oo
wadooyinka magalada lagu sifaynayo.

Ganacsiga magaalada ayaa ah mid hakad ku jira waxaaanna aad u kooban
dhaq dhaqaaqa bulshada gudaha magaalada Baydhabo.

Xiisadaha ayaa imaanaya xilli ciidamda dowladda ay isku fidinayaan
deegaanno hor leh oo ka tirsan gobolka Bakool. Ugu dambeyntii dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa degmada Buurhakaba ee gobolka Bay waxaanna halkaasi gaaray qaar kamid ah ciidamda Al-shabaab.

Koranto/MH

Previous Post

Nolosha Baydhabo oo caadi ku soo noqonaysa

Next Post

Waxbarashada ardayda qaxootiga

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Waxbarashada ardayda qaxootiga

Waxbarashada ardayda qaxootiga

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-MAY-2026

IDAACADDA 22-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-MAY-2026
May 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-MAY-2026
May 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18 MAY 2026
May 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo