09 December, 2011 MANDERA
Qoysas fara badan ayaa ku barakacay fatahaad uu sameeyey wabiga Daawo oo wada biyo fara badan xilligan oo qar ka daadis ah, kaasoo ay biyihiisu soo gaareen xaafado dhowr ah oo xiga dhinaca webiga.
Saansaanta iyo saadaasha ku aaddan inuu wabigu fataho wey muuqatay maalmahaan oo idil, hase ahaatee dadka deegaanka oo aan lahayn cid kala talisa arrimahaas ayaa ku baraarugay mar qura biyihii wabiga oo ku soo qul qulaya guryahooda, markaasoo waxa kaliya ee ay awoodi kareen ay ahyd iney ka bad baadsadaan naftooda iyo wixii alaab ah oo ay markaas soo haaban kareen.
Dad badan ayaa ka joogsaday dibadda guryahoodii, iyagoo rajo ka qabay in wabigu uu dib u noqdo, hase ahaatee taasi ma aysan suura gelin isla markiiba, waxaana haween, carruur iyo dad da` ah ay ku hoydeen meel bannaanka ah, dadka qaar waxay magansadeen ehel iyo dariskii u dhowaa.
Oday ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay, in iyagoo markii hore la dhibaatoonayay kaneeco ay u maaro waayeen iney iska difaacaan ay haddana bannaan yaal ka dhigeen biyaha uu ku soo fatahay wabiga guryahoodii.
“AlXamdullillaah biyaha Allaa keenay, waana naheystaan, inaan ka cararno oo aan magaalada gudaheeda u cararno ayaan ku sigannay, dhilmaanyo ayaa awal nahaysay hadda biyo ayaa noogu darsoomay, qaxooti ayaanba noqnnay oo alaabteenna waa tan aad adigu arkeyso oo meesha dharaaran (daadsan).”sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka guryahooda uga soo cararay fatahaadda wabiga.
Sidoo kale fatahaadda uu sameeyay wabigan Daawo oo aan kaliya saameeyn dadka reer Mandheera oo qura, ee sidoo kale ay ku dhibaatoobeen dadka ku nool degmada Suuf ee dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo dhanka waqooyi xad kala wadaagta Mandheera, ayaa waxaa ku baaba`ay dalaggii uga baxay beeralley fara badan meelaha ay biyuhu qarqiyeen.
Galleey, Digir iyo noocyada kala duwan ee qudaarta oo meesha ka baxay, qaarkood la rajeynayay in dhawaan ay soo go`aan ayaa meesha lagu waayay, waxaana tan marka laga soo tago dadkii lahaa ay sidoo kale saameeyntooda gaari doontaa guud ahaan dadka deegaanka oo in muddo ah ay heysatay wax soo saar la`aan dhanka beeraha ah.
Sida ay ii xaqiijiyeen dadka reer Mandheera, waa markii labaad ee uu sidaan baaxadda leh u fataho webiga Daawo, hase ahaatee ay jirto marar aan yaren oo uu karkaarrada jabsaday.
Saadasha roobabka ayaa tilmaamaysa in webiyada Daawo iyo Jubba ay khatarro fatahaad ah sababi karaan, gaar ahaan dhulka kore ee ku dhow xuduudaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Kenya.
Nuur Cali/MH/FM










