Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

ISHA BAYDHABO OO BIYO AAN NADIIF AHAYN AY KU JIRAAN LAGANA BAQAYO INAY SABABAAN CUDURRADA BIYAHA KA DHASHA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 12, 2011
in Caafimaadka
0
ISHA BAYDHABO OO BIYO AAN NADIIF AHAYN AY KU JIRAAN LAGANA BAQAYO INAY SABABAAN CUDURRADA BIYAHA KA DHASHA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKa shaqeynta nadaafadda deegaanka, horumarinta adeegyada caafimaadka iyo tilmaamo la xiriira goobaha ay ka dhashaan cudurrada ayaa ka mid ahaa baaqyo ka soo yeerayey maamulka iyo saraakiisha caafimaadka ee magaalada Baydhabo  maalmihii ugu dambeeyay.

Qeybo badan oo ka mid ah xaafadaha, waxaa ka soconaya olole nadaafadeed laakiin Isha-Baydhabo oo ka mid ah goobaha ugu caansan magaalada, waxaa ka soo burqanaya biyo qul qulkoodu uu soo gaarayo qeybaha sare ee buundada una dhow hotel Eedin.

Qiyaastii siddeed sano oo ay ku jiraan sanado abaaro salfaday dad iyo duunyo ay ku habsadeen gobolka, ayaa markii ugu horreysay isha waxay keentay biyo muuqaalkooda aan wanaagsaneyn oo keeni kara cudurro saameeya dadka ku nool xaafadaha u dhow buundada ay hoos maraan biyaha ka soo fataha barta ay ku taallo Isha-Baydhabo.

Sida maanta isticmaalka biyaheeda looga deyrinayo ma ahayn  qarniyadii ka horreeyay kan hadda aanu ku jirno, xeeldheerayaasha deegaanka ayaa ku warramaya muddo haatan laga joogo 700 oo sano ka hor ama nawaaxiga qarnigii 12-aad in Ishu ay ahayd goob qowmiyado kala duwan ay isugu yimaadaan, bartaasi oo la sheego in ku dhowaad 5-km ay magaalada ka xigto dhinaca Woqooyi.

Pro. Ibraahim Muuse Heerow, oo ah aqoonyahan darsa taariikhda ayaa si kooban u sharxay sida Isha  loo degay ka hor inta aysan ku fidin Magaalada inteeda kale, isagoo sheegay in qowmiyado kala duwan oo ka yimid goobo kala duwan ay deegaan ahaan u soo degeen Isha halkaasi oo ay degganayd haweeney lagu magacaabo Caashoow oo ahayd shakhsigii ugu horreeyay oo soo dega goobta.

Sanadahan dambe jiilaalka daba dheeraaday ee sida weyn saameeynta ugu yeeshay koonfurta, ayaa qul qulkii biyaha Isha Baydhabo u beddelay goob qallaln oo saxaro ah, balse maalmahan roobabka ka curtay magaalada ayaa dib u soo nooleeyay deegaankaasi oo hadda lagu arkayo haween biyo dhaansanaya iyo carruur dhex dabaalanaya biyaha, saraakiisha caafimaadku ayaase ka deyrinaya isticmaalkooda.

Qeybaha hoose labo buundo oo biyuhu ay maraan waxaa ka jira nadaafad darro keenaysa cudurro faafa ,iyadoo carruurtu ay yihiin kuwo aalaaba ku dabaasha biyahaasi aan nadiifka ahayn.

Dadka deggan nawaaxiga labadaaasi buundo, ayaa walaac ka muujinaya cudurrada shubanka iyo duumada, oo soo ritay tiro ka mid ah carruurta xaafadahaasi iyagoo xusay in maalmahan ay soo kordhayaan carruurta la xanuunsaya cudurradaasi.

Saraakiisha caafimaadka, ayaa maalmahan jeedinaya baaqyo is daba joog ah oo ku aaddan ka hortagga cudurrada iyo ka fogaanshaha biyaha wasakheysan ee Isha Baydhabo, waxaana saraakiisha caafimaadku ay sheegeen in xaaladda caafimaad ay sii adkaan doonto haddii aan la qaadin tallaabooyin muhiim ah.

Isha-Baydhabo waxay beri ahaan jirtay goob ay qulqulaan biyo nadiif ah oo ku wanaagsan cabidda, iyadoo ay ku soo qul quli jireen ganacsato Beershiyaan ah oo gobolka ka qaadan jiray fool-maroodiga, Subagga iyo ukunta.

Biyaha ka soo burqanaya Isha ayaa soo dulmara buuro waaweyn oo qaarkood dhaca dhinaca Woqooyi ee Magaalada, kuwaasi oo ugu dambeyn ku shuba beeraha Carabta iyo Gerbada oo k amid ah goobaha ugu caansan Baydhabo Jannaay.

Cabdicaziiz Cabdinuur/FM

Previous Post

Wabiga Daawo oo fatahaad geystey

Next Post

REER GUURAAGA KU NOOL DULEEDKA LAASACAANOOD OO KA CABANAYA DULINKA XOOLAHA CUNA XILLIGA BARWAAQADA AH

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
REER GUURAAGA KU NOOL DULEEDKA LAASACAANOOD OO KA CABANAYA DULINKA XOOLAHA CUNA XILLIGA BARWAAQADA AH

REER GUURAAGA KU NOOL DULEEDKA LAASACAANOOD OO KA CABANAYA DULINKA XOOLAHA CUNA XILLIGA BARWAAQADA AH

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 04-MAY-2026

IDAACADDA 04-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 04-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-MAY-2026
May 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-MAY-2026
May 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-MAY-2026
May 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-MAY-2026
May 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-APR-2026
April 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo