Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

DHIBAATADA CUDURKA AIDS, MAANTOO AH 1DA DISEEMBAR SANADKASTA WAXAA LA XUSAA MAALINTA LOO ASTEEYEY CUDURKAAN.

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
December 1, 2011
in Caafimaadka
0
DHIBAATADA CUDURKA AIDS, MAANTOO AH 1DA DISEEMBAR SANADKASTA WAXAA LA XUSAA MAALINTA LOO ASTEEYEY CUDURKAAN.
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMaantoo ah 1da Diseembar sanadkasta waxaa la xusaa maalinta calamiga ah ee loo asteeyey cudurkaan iyadoo la siiyo dadaalo lagu wacyi gelinayo bulshooyinka gaar ahaan kuwa saboolka ah sidii ay uga hor tegi lahaayeen cudurkaan

Cudurka Aids-ka waxa uu fara ba’an ku hayaa malaayiin qof oo dunida guudkeeda ku nool, waxaana u nafwaaya dad aan yareyn maalin walba. Cudarkan oo mashquuliyay maskaxda khubaro badan oo cilmiga sayniska ku takhasusay  ayaa ah cudur aan daawa lahayn eebbe ha inaga hayee,

 Marka hore maxaa keena cudurkaan?

Su,aashaan oo aan hordhignay mid kamid ah khabiir caafimaad oo ka hawl gala xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in cudurkaan uu keeno nooc ka mid fayraska loo yaqaan HIV (Human Immunodifeciency Virus), fayraska noocani wuxuu toos u weeraraa unugyada difaaca jirka Aadamiga, weerarkaas kadib hidda-sidaha Fayraska HIV-ga (DNA) wuxuu toos ula midoobaa hidda sidaha qofka bukaanka (DNA of the host), waxaana dhacda in ay mideysnaadaan muddo aan yareyn inta badanna lagu qiyaaso 5-10 sanadood, xilligaas oo qofka bukaanka ahi uusan muujin wax calaamado cudur ah (Assymptomatic period). Muddadan kadib waxaa dhacda inuu feyras badani ka soo tarmado hidda-sidayaashii mideysnaa, dabadeedna weeraro unugyada kale ee jirka, gaar ahaan unugyada difaaca ee loo yaqaan ‘T4 cells’ oo ah qeyb ka mid ah unugyaada cad-cad ee dhiigga (WBCs), hoos u dhaca ama baaba’a ku yimaada unugyada difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado cudaro badan oo qofka caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn sida Hargabka, Qaaxada, dhaawacyada, iwm, kuwan oo inta badan sababa dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba.

Haddaaba cudurkaan AIDSKA oo ah cudur dilaa ah hadana qatar ku ah nolosha aadamaha ayaa waxaa la isaga ilaalin karaa ama uu qofku kaga digtoonaan karaa in uu iska ilaaliyo sinada iyo waxyaabaha uu ALLAAH SWT xaaraantinimeeyay .

Haddaba cudurka AIDSka ayaa la sheegaa in la ogaaday jiritaankiisa sanadadii sideetanaadkii iyadoona sanadku markuu ahaa 1988 ay ahayd xilligii ugu horreeyay ee QM u aqoonsatay caalamka  in laga xuso maalinta AIDSka 1decembar ee bil kasta.

Cudurkaan AIDSka ayaa ah cudur hadda xawligii uu ku fidayey hakad ku yimid meelo badan kadib dadaallo badan oo sameeyey, waxaase jira inuu weli si xawli leh ugu fidayo qeybo badan oo  kale oo caalamka kamid ah gaar ahaan waxaa la sheegaa in cudurkaan uu ugu badan yahay isla mar ahaantaana uu qatar ku hayo qaaradda Afrika oo cudurkaani dadkiisu dhibaato badan ku haayo, waddamada ugu badan ee cudurkaani uu ka jiro qaaradda Afrika waxaa kamid ah Swziland, Koonfur Afrika, Yugandha, Itoobiya  Jibuuti, iyo kuwa kale, warbixin ay dhawaan soo saartay hay,adda qaramadda midoobay u qaabilsan cudurkaan ee UNAIDS ayaa lagu sheegay in waddanka Swaziland uu yahay kan ugu badan ee ay dadkiisu qabaan fayraska keena cudurka AIDSka ee HIV, warbixinta ayaa lagu shaaciyay in haweenka uurka leh ee reer Swaziland   41% ay  sidaan cudurka AIDSka.

Kala bar shaqaalaha ka shaqeeya warshadaha waddankaasi waxay sidaan Viruska dhaliya cudurka,Aidska 26% dadka waa weyn eek u nool waddankaasi waxay qabaan Aids.waxaanay taasi ka dhigantahay in afartii qof uu mid ka mid ah qabo cudurkaasi ama virus-ka sababa ee HIV.

Michel Sidibe oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda UN AIDS ee qaramada midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka HIV/AIDS ayaa ka shanqariyey in baaritaan laga sameeyey wadanka Koonfur Afrika oo ku aadan ragga aan la gudin iyo kuwa aan gudneyn ee uu ku dhaco cudurka AIDS-ka ay kordheen kuwa aan gudneyn ee beejadu ku taalo waxaana uu sheegay 55% arinkaasi uu kor kacay, waxaase uu sheegay in markii la qaaday olale wacyi galin ah oo la xiriira gudniinka wiilasha uu hoos u dhac ku yimid 76% (riix).

UNAIDs ayaa sheegtay in tirakoobka la sameyeey  dhamaadka sanadkii 2010kii 34 milyan oo qof ay la nool yihiin cudurka HIV/AIDs guud ahaan aduunka

Si kastaba  ha ahatee waddanka Soomaaliya oo aanay marki hore bulshadu aaminsanayn in cudurkaani uu ka jiro Soomaaliya ayaa hadda waxaa muuqata in dadku ay ogaadeen jiritaanka cudurkaani,kadib markii ay isa soo shaacbixiyeen dhallinyaro qabta HIV  kuwaasoo urur ay ku mideysan yihiin kaga dhawaaqay gudaha magaalada Muqdisho ururkaasoo la magacbaxay PLHIV  kaasoo taageero ka hela hay,adda u qaabilsan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya cudurka AIDSka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SCAC.waxaana arrintaani ay keentay in dadku ay feejignaadaan isla mar ahaantaana ogaadaan jiritaanka iyo xaqiiqda cudurkaan.

AA/MH

Previous Post

Wasiirka kalluumaysiga Puntland “tababarro xirfaddaha kalluumaysiga ayaanu xeebaha ka qabanay”

Next Post

Qoyska dhalay Carruur walaalo ah oo dhibaato caafimaad ku haysato degaanka Xarfo ee gobolka Mudug oo codsanaya kaalmo bani’aadannimo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Qoyska dhalay Carruur walaalo ah oo dhibaato caafimaad ku haysato degaanka Xarfo ee gobolka Mudug oo codsanaya kaalmo bani’aadannimo

Qoyska dhalay Carruur walaalo ah oo dhibaato caafimaad ku haysato degaanka Xarfo ee gobolka Mudug oo codsanaya kaalmo bani’aadannimo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo