Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xaaladda soomaalida ku nool dalka libya

admin by admin
November 8, 2011
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xaaladda soomaalida ku nool dalka libya
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDalka Libiya waxaa hore ugu sugnaa Soomaali badan oo u galay dalkaasi inay marin uga sii dhigtaan waddamada Yurub, waxaa haatan oo dalkaasi ay ka dhaceen is beddal siyaasadeed meeshana uu ka baxay xukunkii madaxweynihii la dilay Mucammar Alqadaafi weli Soomaali badan ayaa ku sii qulqulaya dalkaasi.

Waxay soo maraan safarro dhaadheer oo qaata in ka badan bil, waxay soo maraan saxaraha oo qaarkoodna ay oon iyo gaajo ugu geeriyoodaan saxaraha dhexdooda.

Balse tan  iyo markii kacdoonka uu ka billowday Libiya iyo haatan oo kooxaha mucaaradka ay la wareegeen xukunka dalka Libiya, waxaa Soomaalida iyo dadka kale ee Afrikaanka ahba soo wajahay cabsi xoog leh oo ku aaddan in la ugaarsado oo labada dhinacba ay ku tuhmaan in kooxda kale ay la jiraan.

Waxay Soomaalida dalka Libiya ka soo galaan meelo kala duwan,  sida kuwo ka yimid dalka Soomaaliya, kuwo dhanka Itoobiya ka yimid iyo kuwo ka baxay dalkani Kenya.

Cabdiraxmaan Cali Maxamuud, oo ku sugan magaalada Tripoli ee caasimadda ah, ayaa raadiyo ERGO u sheegay in isaga iyo Soomaali gaareysa 800 ay ku jiraan xero lagu magacaabo Dacwatul Islaam, isla markaana aysan jirin cid caawisa oo wax u qabata.

Xeradan looma oggola qaxootiga kale, keliya waxay u furantahay dadka Soomaalida ah, Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xaalad adag ay ku jiraan Soomaalida “midab takoor ayaan la kulannaa  mararka qaar, halkan lagama jecla midabka madowga ah, haddii aan ka baxno xerada oo aan shaqooyin yar soo qabaneyno si aan uga helno waxaan cunno, dad u dhashay deegaanka oo toorreyo wata ayaa naga xooga mararka qaar” sidaa waxaa yiri Cabdiraxmaan oo walwal badan uu ka muuqday.

Seynab Maxamed Cali, waa 26 jir waxay ka mid tahay dadka ku jira xerada Dacwatul Islaam waxayna soo gashay safar dheer oo qaatay muddo bil ku dhowaad ah oo ka soo billowday magaalada Muqdisho, Itoobiya illaa Libiya, waxayna timid xeradaasi intii qalalaasaha ay ka socdeen dalkaasi.

“Reerkeyga waan ka soo dhuuntay, anigoo og qalalaasaha ka jira Libiya, waxaan u soo aaday duruufo ka jira meeshaan ka imid, inkastoo aan ogahay in badda ay halis tahay, hadana wxaaan doonayaa inaan galo dalka Talyaaniga, haddii eebbe idmo”. Ayay tiri Seynab.

Cabdiraxmaan  Maxamed, wuxuu ka mid yahay dhalinyarada xeradaasi ku jirta wuxuuna Libya soo galay bartamihii bishii Agoosto ee sanadkaan, wuxuuna ka sheekeynayaa dhibaatadii uu la kulmay intii uu joogay dalkaasi “maalin ayaa annagoo ku jirna safaaradda Soomaaliya ee Libya, waxaa noogu soo galay niman hubeysan way noo hanjabeen, waxaan galnay halis waxaana u qaadannay inay na layn rabaan”.

Cabdiraxmaan ayaa intaa raaciyay, in markii hore ee dalkaasi ay dowladda ka jirtay aysan qabin wax baqdin ah, balse haatan oo sharci iyo kala dambeyn aysan ka jirin ay ka baqayaan in dhibaato loo geysto.

“Marka uu dal ka jiro sharci, xitaa haddii lagu soo qabto waxaa lagu marsiinayaa sharciga, in dib laguugu celiyo halkaad ka timid ama in xabsi lagu dhigo, balse haatan waxaa lagugu sameyn karaa wixii la doono, sidaa darteed ayaan halis ugu jirnaa”. ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Ammaan darrada ka jirta Libiya, waxay keentay in hay’adaha gargaarka aysan gaari karin dadka qaxootiga ah. Hay’adda Islamic Relief iyo hay’adda QM u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa caawimaad ay dadka Soomaalida ah ay ka heli jireen joojiyay.

“Hay’adahan waxay inoo sheegeen inay joojiyeen caawinaaddii ay inoo sameynayeen, waxay UNHCR ina siisay kaarka aqoonsiga qaxootiga, waxayna nagu wargeliyeen in dalka aysan ka sii shaqeyn karin. sidaa darteedna aan magaalada ka degno guryo kiro ah. anagana ma degi karno waayo waxaan ka abqeynaa in nala ugaarsado sidoo kalana ma heysanno qarash aan kirada isaga bixinno” sidaa waxaa yiri Cabdiraxmaan.

Dadka Soomaalida ah oo safar dheer oo dhib badan u soo maray Libiya, ayaan rajeyneynin inay dib uga laabtaan dalkaasi waxayna quud darreynayaan inay gaaraan hadafkooda ah inay galaan wadamada yurub mid ka mid ah.

“aniga hooyadey waxay iska iibisay boos dhul ah oo aan lahayn, waxayna dooneysay inaan heer gaaro oo aan Yurub galo kana helo shaqo wanaagsan, sidaa darteed mar un waxaan rajeynayaa inaan badda galo oo aan u gudbo yurub” ayuu Cabdiraxmaan hadalkiisa sii raaciyay.

Waaxda arrimaha qaxootiga ee qaramada midoobay UNHRC ayaa horay uga digtay  bartilmaameedsiga lagu hayo dadka ka soo jeeda waddamada Afrika oo si xunna loogu geysto tacaddiyo, waxayna ugu baaqeen golaha ku meel gaarka ah ee Libiya NTC inay xil iska saaraan sidii loo badbaadin lahaa dadkaasi.

Dalka Libiya ayaa haatan waxaa ka dhacay is baddal siyaasadeed, iyadoo xukunka ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ah. Soomaalida qaxootiga ah ee jooga dalkaasina ma oga waxa ay la kulmi doonaan mustaqbalka.

MG/FM

Previous Post

DDG oo munaasibada Ciida Carafo darteed markale codsatay sii daynta shaqaalaheeda

Next Post

XAALADDA HAWEENAY KUFSI IYO DHAAWAC LOOGU GAYSTAY XERO KU TAALLA MUQDISHO

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
XAALADDA HAWEENAY KUFSI IYO DHAAWAC LOOGU GAYSTAY XERO KU TAALLA MUQDISHO

XAALADDA HAWEENAY KUFSI IYO DHAAWAC LOOGU GAYSTAY XERO KU TAALLA MUQDISHO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo