Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

XAALADDA HAWEENAY KUFSI IYO DHAAWAC LOOGU GAYSTAY XERO KU TAALLA MUQDISHO

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
November 9, 2011
in Caafimaadka
0
XAALADDA HAWEENAY KUFSI IYO DHAAWAC LOOGU GAYSTAY XERO KU TAALLA MUQDISHO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDr C/xakiin Xeydar Yuusuf, oo ah madaxa kalkaaliyayaasha caafimaadka cisbitaalka Keydsanay ee duleedka bari magaalada Muqdisho ayaa iiga warbixiyay xilli aan ku booqday cisbitaalkaasi xaaladda ay ku sugantahay xilligan haweenay lagu magacaabo Aamino Ibraahin Xassan oo ah hooyo 24 jir ah taasoo fal kufsi iyo dhaawacba loogu gaystay 19kii bishii October ee aan soo dhaafnay xerada barakacayaasha safaaraddii hore ee mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay dhaqtarka in haweenaydan dhibbanaha ah loo geeyay iyadoo dhaawac culus ka qabta mid ka mid ah lugaheeda, ka dib markii ay wax ka qaban waayeenna ay dhaqaatiirtu go’aamiyeen in la jaro lugtaasi si ay haweenayda dhibaataysan uga badbaado dhibaato taa ka weyn, isagoo intaa ku daray in haweenayda ay iminka xaaladeeda ka soo raynayso, ka dib markii  uu sheegay in dad ka socday hay’adaha u tababaran sida mooralkeeda kor loogu soo qaado ay siiyeen  la talin.

Hase ahaatee Aamino Ibraahim, oo ah dhibbanaha falkan ku dhacay oo muuqaalkeeda laga dheehanayay murugo iyo iyadoo mararka qaar la moodo in ay miir daboolmaysay kolka ay dib u gocoto dhibaatada ku dhacday ayaa waxaa ii suura gashay iney iiga warranto waxa ku dhacay “ habeen bey ahayd, innagoo jiifno ayuu nin guriga soo galay, qori ayuu soo qaatay, xabadduu tuuray, dadka wey kala carareen, anigana  ilmahaygaan dhexda ka galay, guriga markuu iigu soo galayna waa I fara xumeeyay ka dib ayuu xabadda lugta iiga dhuftay” dhibbane Aamino Ibraahim Hassan ayaa sidaa sheegtay.

Dhanka kale Cali Cabdullaahi Macallin oo ah ninka qaba haweenayda dhibbanaha ah ayaa ii sheegay, in xiligii uu falka dhacayay uu isagu goob joog ahaa, wuxuuna intaa kudaray in uu handaday ninka eedeysanaha ah ee falka geystay maadaama uu hubeysnaa , Cali oo isna sidoo kale uu ka muuqday dhaawac gacanta ah ayaa sheegay in xabad uu soo tuuray ninka falka geystay ay kaga dhacday garabka kore ee gacantiisa midigta, isagoo sheegay in uu xilligaasi isku dayay inuu wax ka qabto dhibaatada loogeysanayay haweenaydiisa balse ay u suura gali waysay maadaama uu ahaa qofka soo weeraray nin hubeysan oo uu iigu sheegay inuu ku labisnaa dharka ciidamda dowladda.

Qoyskan dhibaatadu ay soo gaartay, ayaa waxa ay ka mid ahaayeen qoysaska barakacayasha ah ee ka soo cararay abaarta ku dhufatay gobollada koonfureed ee dalka gaar ahaan gobolka Shabeellaha hoose, waana qoys ay ku adagtahay nolosha sida ka muuqatay, waxeyna ka dalbanayaan cidkastoo u gargaari karta in ay la soo gaaraan saacidaad.

Tacaddigan ku dhacay qoyskan dhibaataysan, ayaa waxa uu ku soo beegmayaa xilli falalka kufsiga la soo sheegayo iney ku soo badanayaan qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee gudaha magaalada Muqdisho oo aan xilligan lahayn cid si gaar ah isaga xil saarta ilaalinta ammaanka dadka barakacayaasha ah, inkastoo qoyskani dhibaatadu gaadhay ay ii sheegeen in la xiray eedaysanaha falkan kula dhaqaaqay oo ay ii sheegeen inuu ku labisnaa xilligii uu falka geysanayay dareeyska ciidmada dowladda KMG.

Sadia Mohamed Nuur/FM/MG

Previous Post

Xaaladda soomaalida ku nool dalka libya

Next Post

Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo dibad baxay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo dibad baxay

Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo dibad baxay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo